Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Sheegay in Dalka Lagaga Soo Duulay Meelo Badan

0
207

Hargeysa (Dawan) Taliyaha Ciidamada qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Laascaanood ay Ciidamada qaranka u tudheen shacabka Magaalada Laascaanood.

Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa waxa uu tilmaamay in dalka lagaga soo duulay meelo badan, waxaana uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Puntland cadaystay in dagaalka qayb ka yahay.

Sarreeye Gaas Nuux Taani ayaa sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad ay shalay ku qalanjabiyeen Cutubyo ka tirsan Ciidamada qaranka.Waxaana uu yidhi”Muddo shan bilood ku dhaw hawlgalo ayaa ka socday Gobalka Sool,waxa inagu soo duulay Putland meelo badan oo kale iyo dad la soo adeegsaday oo Gobalka ka tirsan. dagaalo badan ayaa ka dhacay dadka waanu u tudhaynay,weerar maanu qaadin weerar lanagu soo qaado mooyee dagaalkii wuu joogsan waayay wax aan la garanan ayaa meeshaa ka socda.nin kii baxaya buuraha jinka ayaa loo bidhbidhayaa Madaxweynaha Puntland wuu cadaystay oo wuxu yidhi weerar ayaan halkaa ku qaadayaa intii horaba wuu ku jiray degmo aan laga iman oo Puntland ahi majirto oo la lahaa Maanta reer hebel ayaa yimid dadkana waanu u tudhaynay Magaalada waanu u tudhaynay,oo qofkii la qabto cidina waxba may yeelan dhaawaca cidina waxb may yeelan,”.

Sarreeye gaas Nuux taani oo hadal kiisa sii wataa Waxa uu yidhi”Madaxweyne arimihii waa joogsan waayeen Puntland waata leh waanu dagaalamaynaa, hadaan markii hore xarago dagalamaynay maanta waa lays xiniinyo taabanayaa nin waliba waxa ay dhiishiisu u goyso ayuu leeyahay,waxaana aan leeyahay qoladaa Puntland labadeena seefood waatii saawir noqota.waaana la arki doonaa natiijada ka soo baxda.wadanka waa lagu soo duulay waxna waa iska celinaynaa Ciidamada halkaa jooga 15 sanno in ka badan ayaa halkaa joogeen.dalka ayaana daafacayaan Ciidamadan tababarka dhamaystayna waa Ciidamo u diyaara in dalkooda daafacaan,”.

 

Leave a Reply