“Shir-guddoonka golaha Wakiiladda cida aynu u dooranayno waxaa iska leh…”

0
137

Hargaysa ((Dawan): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka JSL ayaa ka hadlay loolanka loogu jiro doorashadda guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Waxaanu sheegay in doorashadda shir-guddoonka golaha Wakiiladda ay awood u leeyihiin xildhibaanadda golahaasi.

Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa tilmaamay in xildhibaan Yaasiin Maxamuud Faratoon, uu yahay mudanaha ugu haboon in kursigaasi loo doorto.

Waxaanu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ay ka weyn yihiin in dad wax u soo dhiibaan, isla markaana ay leeyihiin badheedhe cad oo ay rabitaankoodda ku soo bandhigaan.

Wasiirka Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Waxaanu yidhi “Xisbiga Kulmiye, iyo xukuumadiisu way ka weyn yihiin, in ay cid wax u soo dhiibaan. Balse badheedhe cad ayay laga sheegaan”.

Waxaa wasiirka Dastuurka oo tixraacayay hadalo arrintaasi la xidhiidha oo madashaa laga jeediyay waxa uu yidhi “Shir-guddoonka golaha Wakiiladda cida aynu u dooranayno waxaa iska leh golaha Wakiiladda. Dastuur baynu leenahay, oo sharci baynu leenahay, nidaam ayaynu u maraynaa”

“Dadkii halkan ka hadlay ee Faratoon, xusay waxaan hubaa in aanay cidi na wax ba u soo dhiibin. Balse quluubta qaranka, iyo shacabka, ee ogaa ilaa iyo 1991-kii, mudanta uu mudan yahay, ee uu meel walba taagnaa. Haday nabadayn tahay, iyo haday isku keenid iyo isku wadid tahay ba, taasaa ka hadlisay quluubta shacabka” ayuu yidhi wasiir Maxamed Xaaji Aadan.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Xisbiga Kulmiye, iyo xukuumadiisu way ka weyn yihiin, in ay cid wax u soo dhiibaan. Balse badheedhe cad ayay laga sheegaan”.

 

 

 

Leave a Reply