Safiirka Itoobiya ee Somaliland oo Socdaal ku Tegay Gobolka Awdal

0
263

Boorame (Dawan)- Safiirka dalka Itoobiya u jooga Jamhuuriyadda Somaliland Amb Delil Kedir Bushra iyo wefdi uu hogaaminayey oo booqasho ku tegay caasimada gobolka Awdal ee Boorame ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Nabadgelyada gobolka.

Kulanka labada dhinac ayaa la sheegay inuu la xidhiidhay isbarasho iyo xoojinya amaanka xuduudaha ee labada wadan Itoobiya iyo Somaliland.

Masuuliyiinta Gobolka Awdal oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in labada dhinac si weyn isugu afgarteen hanaankii loo xoojin lahaa amaanka labada wadan iyo xidhiidhka labada shacab.

Safiirka Itoobiya ee dalka Amb Delil ayaa booqashadiisa magaalada Boorama noqonaysaa tii koowaad ee ku tago gobolada dalka.

 

Leave a Reply