“Waa Muhiim in Qadiyadda JSL La Soo Hordhigo Baarlamaanka Ingiriiska” Aqoonyahanad Rooda Maxamed Karaani

0
230

Hargeysa (Dawan)- Aqoonyahan Rooda Maxamed Karaani ayaa sheegtay in ay muhiimad u leeyahay Somaliland Mooshinka Xildhibaan Givin Williamson soo hordhigayo Bisha July ee fooda inagu soo haysa Baarlamaanka Ingiriiska oo lagaga hadlayo qadiyada Somaliland.
Rooda Maxamed Karaani ayaa waxa ay intaasi ku dartay in aanay ahayd markii ugu horaysay ee Xildhibaan Givin Williamson soo hor dhigo Baarlamaanka UK Mooshin lagaga hadlayo Qadiyada Somaliland,
Rooda Maxamed oo u waramaysay Wargeyska Dawan oo Arimahaasi wax ka waydiiyay.Waxa ay tidhi”Horta maaha markii ugu horaysay ee inoo hadlo Xildhibaan Givin Williamson,waxaana Somaliland uu yimid labol jeer isaga oo ah Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska marna waxa inoo yimid isaga oo Xildhibaana.hada ka horna sannadkii ina dhaafayna waxa uu soo jeedin ku sahabsan qadiyadda ka jeediyay Baarlamaanka Ingiriiska,waana muhiim in Qadiyadda Somaliland la soo hordhigo Baarlamaanka Ingiriiska.Maalin Salaasa ee Bisha July ee fooda inagu soo haysa ayuu ka hor jeedin doonaa Xildhibaan Givin Williamson mooshin ku sahabsan wax kasta Somaliland,markaa aad iyo aad ayay ugu muhiim ugu tahay qadiyadda Somaliland.ilaa intii aynu dalka qabsanay Ictiraafka Somaliland ayaa laga shaqaynayay Ingiriiska waa halkii Ictiraafka ina siisay 26 June 1960kii waxaana jooga ehelada dadkii ka soo shaqeeyay Ingiriiska.markaa waxa loo baahanyahay in laga shaqeeyo oo la xoojiyo Xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska”.
Rooda Maxamed ayaa waxa ay tilmaantay in Raysal Wasaaraha dalka Ingiriiska uu ka sheegay shirkii Wadamada G7 Maal galin ay ku sameeyeeen Dekeda Berbera.Waxaana ay tidhi”Raysal Wasaaraha Ingiriiska markii uu ka hadlayay shirkii G7 ee ka dhacay Jaban bishii ina dhaaftay oo ay iskugu yimaaadeen, toddobada dal ee aduunka ugu xoogaweyn waxa ka sheegay oo uu soo ku soo hadal qaaday afar dal oo Somaliland ku jirto. waxaana uu sheegay in horumarin ku sameeyeen Dekeda Berbera.waxaana jirtay mar ay waraaqo u qoreen Raysal wasaaraha ingiriiska qolyaha ka gubta Ictiraafka Somaliland.waxa uu sheegay in Somaliland Develop van ka tahay horumar iyo caawimo,waxa kale oo uu sheegay Maalgalinta ay ku sameeyaan Dekeda Berbera ay muhiimad u leedahay Ingiriiska cidina aanay kala hadli karin”.
Sidoo kale Rooda Karaani ayaa waxa ay tilmaantay in horumar laga sameeyay Siyaasada arimaha dibada Somaliland.Waxaana ay tidhi”Wasaarada arimaha dibada aad ayay u dadaalaysaa Nin aqoonleh oo afaf badan ku hadla ayaa Wasiirka ah, kuna dhiiranaya in Caalamka ka dhaadhiciyo qadiyadda Somaliland oo ay run ka tahay.Siyaasada arimaha dibada Somaliland xawli ayay ku socota,waana ta dad badan ka cadhaysiisay ee keentay in dibada laga soo abaabulo dagaalka Laascaanood”.

 

 

 

Leave a Reply