Isu-duwaha Beeraha ee Togdheer oo Kormeeray Dugsiga sarre ee Beer

0
210

Burco (Dawan) Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 4-aad ee Dugsiyada sare, ayaa guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka JSL, ka socda wallow Ardayda Dugsiga Beer uu Imtixaanku u dhamaanayo Arbaca ah.

Ardayda Sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka, waxa ka mid ah ardayda Dugsiga sare ee Beeraha ee Deegaanka Beer ee Gobolka Togdheer.

Imtixaanka shahaadiga ah waxa Dugsiga sare ee Beer u fadhiistay 15 arday, kuwaas oo dhamaystay Dugsigaasi.

Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdirisaaq Cabdillaahi Ibraahim, oo Dugsigaasi uu xafiiskiisa hoos yimaaddo, ayaa kormeer ku tagay Dugsigaasi, si uu u soo dhiirigeliyo ardayda iyo Maamulka dugsigaasi.

Isu-duwe Cabdirisaaq oo uu kormeerka ku wehelinayey Guddoomiyaha Magaalada Beer Xasan Cali Cabdi, ayaa sheegay inay isaga iyo Wasaaradda Beeraha sharaf u tahay in arday sannadkan u qalin-jebinayaan, waxaanu ardayda kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalka ay aqoontooda ku dhisayaan, isagoo u rajeeyay inay ku guulaystaan Imtixaanka shahaadiga ah.

Dugsiga Sare ee Tababbarka Beeraha ee ‘Beer’ oo aan hore Miisaaniyadda ugu jirin, waxa dhawaan ku daray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, sida uu sheegay Isu-duwaha Wasaaradda Beeraha ee Gobolka Togdheer.

 

 

Leave a Reply