Hargaysa: Unuga La Dagaalanka Denbiyadda Laga Gallo Deegaanka Oo Tababar Loo Furray

0
210

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilladda JSL ayaa shalay magaaladda Hargayaa tababar u furay xubno ka socday Unuga la dagaalanka denbiyada laga gallo deegaanka.

Unuga la dagaalanka denbiyadda laga gallo deegaanka ee Somaliland ayaa kala tirsan wasaarradaha, iyo haayadaha dawladda ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda Deegaanka, iyo Isbeselka Cimiladda.

Kuwaasoo kala ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Maxkamada, Xeer Ilaalinta, Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka laanta Socdaalka, iyo Ciidanka Ilaaladda Xeebaha, iyo sidoo kale xubno ka mida agaasime waaxeedyadda wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda.

Tababarkani ayay u jeedadiisu tahay sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa ilaalinta Duurjoogta, maadaama ay tahay khayraad dalku leeyahay iyo sidii loo wada shaqayn lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaardda Deegaanka JSL Maxamed Cabdillaahi Ducaale, oo tababarkaasi furay ayaa ka qayb galeyaasha kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan culuumta, iyo casharadda ay tababarkani ku qaadan doonaan.

Waxaanu agaasimuhu ka waramay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa xeerar iyo shuruuc lagu ciqaabayo dadka denbiyadda ka galla deegaanka, gaar ahaana duur joogta.

Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in ay mudan yihiin la ciqaab la marsiiyo dadka caadaystay in ay ka gamacsadaan, ama dhibaateeyaan duur joogta, iyo deegaanka Somaliland.

 

Leave a Reply