Komiishanka Doorashooyinka oo soo gebagebeeyey Kaadh qaadashada muwaadiniinta

0
268

Hargeya (Dawan)- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Muuse Xasan Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday inay shalay soo gebabebeeyeen kaadh qaadashada muwaainiintii is-diiwaangeliyey gobolada Maroodi-jeex, Todheer iyo Sool.

Gudoomiye Muuse oo u waramay shalay idaacada BBC Somali ayaa sheegay, “(Maanta (shalay) oo 21 June ah ayey soo xidhmeen kaadh qaadashadii saddexdii gobol ee u dambeeyey.

Mar uu ka hadlayey sida bulshadu u qaadatay kaadhadhka ayuu yidhi, “Si fiican ayey dadkii isdiiwaangeliyey u qaateen kaadhahkoodii, dhamaan gobolada si fiican ayaa looga qaatay kaadhadhka.

Mar uu ka hadlayey wakhtiga doorashada iyo nooca ay ahaan doonto ayuu sheegay inay u hadhay soo saarista liiska kama dambaysta dadkii hore u diiwaangashanaa iyo kuwa cusub ee imika isdiiwaangeliyey., waxaanu yidhi, “Doorashada la sugayo xilligeeda ayaa la iclaamin doonaa, marka sharciyadeeda la dhamaystiro.”

 

 

 

Leave a Reply