Qiso: Ma Jiro Qof Kaaftooma, Laakiin Kuwa Hoose Eeg!

0
193

Wiil yar iyo hooyadii oo sabool ah ayaa ku wada noolaa makhsin yar oo aan lahayn saqafka sare, maalintii danbe ayuu roob soo daatay, markii hore wuu yaraa, laakiin wuu xoogaystay.

Islaantu markay aragtay inuu roobku xoog yahay ayay albaabkii makhsinka soo qaaday oo wiilkeeda yar iyo iyaduba hoost ka galeen. Wiilka yari ma arag roob sidan u badan, laakiin markii roobkii qaaday ayuu hooyadii su’aashan weydiiyay  “ Hooyo dadka saboolka ah ee aan lahayn albaab xagee ayay roobka ka galaan?”

Wiilka yar su’aashiisa waxa ka muuqanaysa inuu arkayo dad ka hooseeya, laakiin uma muuqdaan kuwa ka sareeyay, asalka noloshuna waa sidaasi.

Weligaa waxaad haysato waxa jira kuwo badan oo aan haysan, markaa waa inaad ku qanacda wixii Allah ku siiyay oo ay ka maqan nyihiin kuwo badan oo kale.

Leave a Reply