Xarumaha Cadhada Lagu Dejiyo

0
174

Tiro ku dhow  800 000 oo qof  ayaa sanad walba is dila oo iskood nafta iskaga jara  taasi oo ah in 40 seocnd uu hal qof is dilo. Arintan waa mushkulad joogto oo dunida aad ugu badan waxaana hay’adda  WHO sheegtay in da’da u dhaxaysa 15-29 ay yihin kuwa u badan , halka da’da 40–49 ay noqotay 22% dadka is dila. Dadka dunida ku dhinta sanadkii 16% ayaa iaygu iskood nafta iska jara. Dalka Maraykanka dadka is dilaayaa waa mid mushkulad ku haysa, waxaana sanadkii 2014 iskood nafta iska gooyay dad gaadhay 42,778 qof.

 

Iyadoo aanay cadayn sababaha ay dadku isku dilaan haddana waxay aaminsan yihiin inay ahay cadho ku haysa, sidaas darteed dalka  Ruuska  ayaa laga furay xarun cusub oo marka qofku cadhoodo uu tago si uu iskii isaga dejiyo. Xaruntan oo lagu magacaabo Debosh waxay leedahay qolal la dhigay alaabooyin kala duwan oo qofkaasi jejebinaayo oo dhamaantood wada burburaya.

Qofka cadhaysan wuxu iska bixinayaa lacag dhan $ 160- 400 iyadoo taasi ku xidhan alaabta qolka uu jejebinayo la dhigay qiimaheeda.

Mashruuca Debosh ayaa gudaha dalkaasi ka helay shacbiyad balaadhan iyagoo maalin kasta yimaadda dad tiro badan oo doonaya inay cadhada iskaga baabiiyaan qolalkaasi. Madaxa mashruuca aya sheegay in dadka u yimaada iyagoo cadhaysan ay ka baxaan iyagoo faraxsan , daallan oo dhididku ka da’yo , oo cadhadina ka degtay.

Yuriy Admovskiy oo khabiir cilmi nafsiga aqoon u leh ayaa sheegay in mashruucani uu dadka wax badan u tarayo isla markaana dejinayo, kana badbaadinayo inay nafta iska gooyaan.

Dalka Ruushka waxa hoos u dhacay dadka is dilaya taasi oo sanadkii 2015 ahayd 15.4% ay is dileen 100,000 qof , iyadoo sanadkii 2016 ay noqotay 7.2% inay is dileen 100,000 qof. Taasi oo muujisay hoos dhac weyn.

 

Leave a Reply