𝐈𝐧 𝐤𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐚𝐧 𝟐 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐗𝐮𝐣𝐚𝐚𝐲 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐚𝐧 𝐁𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐟𝐨

0
245

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀 (Dawan)  –  Waxaa Maanta oo Salaado ah taagan Buurta Carafo ku dhawaad 2 Milyan iyo badh Muslimiin ah oo gudanaya mid ka mid ah rukniyada ugu waa weyn arkaanta Xajka.

Muslimiinta Maanta taagan Buurta Carafo ayaa halkaasi ku gaadhay gaadiid loogu talo galay iney u adeegaan Xujaayda, iyadoo ay xusid mudan tahay in qaarkood ay lug ku tagaan.

Xujaayda Sanadkaan gudaneysa waajibaadka Alle ee ku sugan dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la tilmaamay inay yihiin tiradii ugu badneyd abid oo Muslimiin ah oo Xajisa, waxaana dowladda Sacuudiga ay shaacisay in ay u diyaarisay Xujaayda dhamaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Xujaayda haatan saaran Buurta Carafo ayaa lagu wadaa in Duhurka kasoo degi doonan Buurta si ay u gutaan Salaadaha Duhurka iyo Casirka oo lasoo gaabiyay mar qudhana ay wada tukanayaan, isla markaana ay dib ugu laaban doonaan Buurta oo ay saarnaan doonaan illaa gabal dhaca Maanta.

Si kastaba ha ahaate Sanadihii ugu dambeeyay waxaa yaraa tirada Xujeyda, taasoo keentay cabsida laga qabay saameynta uu reebay Xanuunka Covid-19 oo dhaliyay xayiraad looga hortagayo cudurka faafitaankiisa.

Leave a Reply