Nuxurka Khudbaddii Madaxweynaha JSL ka jeediyay sannadguuradii 63aad ee xuska 26-ka June

0
272

Hareysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda 63-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladdii Ingiriiska, isaga oo si waafi ah u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee xorriyadda loosoo maray iyo sidii hubsiimo la’aanta ahayd ee xorriyadddaas shuruud la’aanta loogu wareejiyey Soomaalidii Koonfureed ee talyaanigu gumaysan jirey.

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay shaqaaqada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba ay ka go’an tahay xoojinta nabad ka dhalata Laascaanood, waxana uu yidhi,“waa inaynu nabadda meel uga soo wada jeesanaa, anigu horaan u sheegay qarankuna waa isku raacsan yahay oo ma jiro qof reer Somaliland ah oo aan nabad ugu baaqaynin Laascaanood, waxana aan rumaysanahay dadka shicibka ah reer Laascaanood maanta iyagaa nabadda inoogu jecel, waayo dhibaato dibadda lagaga soo waariday baa ku dhacday.”

In ciidamada Somaliland ee duleedka Laascaanood difaaca kaga jira daandaansi iyo gardarro joogto ah lagu hayo ayuu madaxweynuhu sheegay, waxana uu xusay inay ciidanku xaq u leeyihiin inay daandaansigaas iska difaacaan.

Dhinaca kale waxa uu madaxweynaha qaranka oo ay hareera joogaan taliyeyaasha ciidamada kala duwan, madaxweyne ku xigeenka, shir-gudoonka iyo maxkamada sare calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo la saaray markii ay saacadda Geeska Afrika ahayd 12:00 Habeennimo, si loogu dabbaaldeggo 63-guurada kasoo wareegtay  markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply