Munaasibad lagu xusay 63-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska oo madaxtooyada lagu qabtay.

0
379

Hargeysa (Dawan) Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo munaasibadda sannad-guurada 63-aad ee kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xornimadeeda ka qaadatay dalka Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay shirguddoonka labada gole Baarlamaan, guddoomiyaha maxkamadda sare, madaxweyne-ku-xigeenka, xeer ilaaliyaha guud, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, diblomaasiyiin ka socda dalalka caalamka, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Ugu horrayn, fannaaniinta kala duwan ee qaranka, ayaa madasha ku daah-furay suugaan iyo majaajillo ay ku hogo-tusaalaynayaan qiimaha ay xorriyaddu leedahay iyo sida ay muhiim u tahay in la wada ilaashado.

Madaxda waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta, Mudane Maxamed Xasan Cali (Weji) oo halkaas ka hadlay, ayaa si kooban uga hadlay jawiga habeenkii xorriyadda la qaatay iyo sidii qaldanayd ee loo maamulay xorriyaddaas la qaatay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland lumisay fursad weyn oo ay sannado badan heliddeeda u tabcaysay.

Ergayga madaxweynaha qaranka u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna ku dheeraatay halgankii adkaa ee loo soo maray xorriyadda, iyada oo ku baaqday in lagu faro adaygo qarannimada 30-sanno kaddib dib loola soo noqday.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay si mug leh ugu faro adaygaan gobonnimadooda, kana fogaadaan wax kasta oo qarannimada hagardaamo ku keeni kara, isaga oo arrinta Laascaanood si gaar ah uga hadlay, hoostana ka xarriiqay in loo baahan yahay u hoggaansamidda xabbad-joojimihii madaxweynuhu ku baaqay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn shacabka reer Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda 63-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dawladdii Ingiriiska, isaga oo si waafi ah u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee xorriyadda loosoo maray iyo sidii hubsiimo la’aanta ahayd ee xorriyadddaas shuruud la’aanta loogu wareejiyey Soomaalidii Koonfureed ee talyaanigu gumaysan jirey.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Meesha ka saaray inay Somaliland sannadkii 1960-kii ku biirtay Koonfurtii Talyaanigu gumaysan jirey, waxana uu sheegay inay iyadu sharciyad buuxda haysatay oo lagu soo biiray, waxana uu yidhi,“Runtu waxa weeye Habeenkii la isku biirayey dalka sharciga ku dhisnaa (De jure) ee lagu biiray inaguu ahaa, waayo inagaa sharci haysannay ee iyagu sharci may haysanin, reer Somaliland-na 63 sanno kadib waxa inala gudboon inaynu sii laban laabno inaynu sharciyaddaas iyo waddadaas cad ee aynu haysanno adduunka ku qancino, sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba qodobkaasna fahanno oo ku dagaal galno, xilkaasina waxa uu saaran yahay inta ummadda xilka u haysa ee la dhegaysto.”

Madaxweynuhu waxa uu ka digay in nabadda iyo xasiloonida la mijo xaabiyo, dhinacna laga doono ictiraaf iyo dawladnimo,“Isku heli mayno inaynu qaran noqonno iyo inaynu nabadda la dagaallano, iskuna heli mayno inaynu ictiraaf helno iyo inaynu kala dambaynta diidno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay shaqaaqada ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedaba ay ka go’an tahay xoojinta nabad ka dhalata Laascaanood, waxana uu yidhi,“waa inaynu nabadda meel uga soo wada jeesanaa, anigu horaan u sheegay qarankuna waa isku raacsan yahay oo ma jiro qof reer Somaliland ah oo aan nabad ugu baaqaynin Laascaanood, waxana aan rumaysanahay dadka shicibka ah reer Laascaanood maanta iyagaa nabadda inoogu jecel, waayo dhibaato dibadda lagaga soo waariday baa ku dhacday.”

In ciidamada Somaliland ee duleedka Laascaanood difaaca kaga jira daandaansi iyo gardarro joogto ah lagu hayo ayuu madaxweynuhu sheegay, waxana uu xusay inay ciidanku xaq u leeyihiin inay daandaansigaas iska difaacaan,“Waxaa dagaal dhacayey Somaliland maalinna dagaal may qaadin, xabbadna kumay horrayne shalay aroortiina iyagaa ciidanka Somaliland madaafiic kusoo rideen madaafiic oo ay labadii ugu horraysay dileen, ciidanka Somaliland na xaq bay u leeyihiin in marka lasoo weeraro uu jawaab culus bixiyo, mana jiro qof qaadanaya aan ku dilee ha ila hadlin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynaha qaranka oo ay hareera joogaan taliyeyaasha ciidamada kala duwan, madaxweyne ku xigeenka, shir-gudoonka iyo maxkamada sare calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo la saaray markii ay saacadda Geeska Afrika ahayd 12:00 Habeennimo, si loogu dabbaaldeggo 63-guurada kasoo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Leave a Reply