Baarlamaanka Ingiriiska oo la Horgeeyey Qadiyadda Somaliland

0
244

London (Dawan)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta baarlamaanka Ingiriiska ayaa lagaga hadlay qadiyadda madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaa safiirka JSL ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Diiriye (Dayax-weerar) iyo hawlwadeenada safaarada Somaliland ayey soo abaabuleen urur u dooda qadiyada madaxbanaanida oo lagu magacaabo UK Somaliland Alliance.

Masuuliyiin kala duwan oo hadalo ka jeediyey ayaa Faadumo Siciid, la-taliyaha Golaha Guurtida ayaa sheegtay kulanka baarlamaanka Ingiriisku waxuu la xidhiidhay aqoonsiga Somaliland iyo mooshinka July la horgeyn doono baarlamaanka.

Safiirka JSL ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi Diiriye ( Dayaxweerar) oo hadal ka jeediyey kulankii baarlamaanka ayaa sheegay in kulan ay soo qabnqaabiyeen Safaarada Somaliland iyo ururka UK Somaliland Alliance iyo Jaaliyadda Somaliland ee UK dhamaantood ka soo qeybgaleen.

Safiir Dayaxweerar ayaa sheegay in qadiyada Somaliland lagaga dooday kulanka, oo goobjoog ahaayeen xildhibaano Baarlamaanka Ingiriiska oo taageera qadiyada madaxbanaanida Somaliland.

“Mooshinka Xildhibaan Gavin Williamson baarlamaanka horgeynayo 4 July, si weyn ayaa looga shaqeynayaa taageeridiisa.”

Xubin u hadashay ururka UK Somaliland Alliance aya asheegay inay kulan la yeesheen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland la xidhiidha qadiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Kulanka baarlamaanka ingiriiska ayey sidoo kale goobjoog ahaayeen dublamaasiyiin taageerad qadiyada madaxbanaanida Somaliland oo Maraykanka, Faransiiska iyo wadammo kale oo caalamka ka yimi.

 

 

 

 

Leave a Reply