Gobanimada Tageeraha Lixdanka Hortii iyo Guraca Kan Maantu Waa Geedi Dheer

0
311

Maalinnimo Khamiisa ah, oo bisha Oktoober ahayd 20, 2022, waxaanu safar shaqo oo kormeer ah ka bilownay gobollada dalka anagoo ah Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo daarnaa hubinta in Ururrada Siyaasaddu buuxiyaan shuruudihii uu waajibiyay Xeer Lr. 14/2011, oo ay ka mid ahayd xaqiijinta xubnaha Kunka qof.

Intii aanu ku jirnay kormeerka lixda gobol, waxaanu la kulannay dhacdooyin amakaag iyo layaab leh oo qaarkood kaa quus-gelinayaan in si togan oo habsami leh uu u hano qaado nidaamka dalkeenu qaatay ee Dimuqraadiyadda.

Urur Siyaasadeed kasta waxaa laga rabay inuu soo goob joojiyo ugu yaraan Kun qof oo ah tageerayaasha uga diiwaan gashan gobolka, buuxiyeyna shuruudihii laga rabay tageere kasta.

Dhacdooyinka aanu la kulannay oo ahaa kuwo kala gedisan oo aanu kala kulanay tageerayaasha ku sugnaa goobihii hubintu ka socotay waxaan si gooni ah halkan ugu xusaya sadddex dhacdo oo ka dhacay saddex gobol kuwaaso kala ahaa sidan.

Dhacdada 1aad.

Waxaanu soo gaadhnay goobtii loo asteeyey iyo wakhtigii loo asteeyey Urur Siyaasadeed ka mid ahaa 14-ka Urur ee la qiimaynayay, iyadoo goobta ay ku sugan yihiin dadweyne tiradoodu aad u badan tahay oo aan u habaysnayn nidaamkii guddidu ku wargalisay ururrada. Masuuliyiintii ururku waxay aad iskugu hawlayaan in dadweynaha waafajiyaan nidaamkii Guddidu asteeysay, wax dhag jalaq u siiyey oo u hoggaansamay waa yaraayeen, waxaanu isku xilqaanay in aanu masuuliyiinta ka caawinno nidaaminta si aanay wakhtigii aanu ugu talo galnay mid ka badan nooga qaadan.

Dadweynihii aanu isku dayeynay in aanu toosino oo tilmaano si ay isku habeeyan, waxay xujo iyo shardi nagaga dhigeen horta in qof qof iyo koox koox loola heshiiyo oo mushqaayaddooda lacageed cadadkeeda lagala heshiiyo oo meel lagu tiiriyo, markaas ka dib ay u hogaansami doonaan nidaamka loo dajiyey, waxaan suโ€™aalay miyeydaan ururkan u ahayn tageerayaashii uu gobolkan ku lahaa oo aydaan u iman gudashada waajibadkiina tageeranimo? Cajaayib, jawaabtoodii waxay noqotay waxaanu u nimi goobta in aanu shaqaysanno mushqaayad lacageed, isna (Ururka) tirada u buuxinno.

Dib baanu uga baxnay, ilaa masuuliyiintii Iyo tageerayaashii kala dhamaysteen qadiyaddii may suurto galin in aanu wax shaqo ah ka qabanno.

Dhacdada 2aad

Waxaanu gaadhnay gobol kale iyo goob kale oo ururrada mid ka mid ahi ku diyaariyey xubnihii kunka qof, judhiiba koox ka mid ah dadweynihii baa nagu bilaabay hadalo dhawaaqsare ah oo ah Masuuliyiinta ururku ma aha kuwo arin iyo aduun haya, ma jirto ilaa imika wax ay na siiyeen, waa Urur raba cod bilaasha, wax uu noo dhiibay ma jirto oo nama hubin kartaan, hadalo wada noocaas ah, waxaabay bilaabeen in ay dhan uga baxaan goobtii iyagoo ku andacoonaya horta kharashkii ha naloo dhiibo intaan hawsha hubinta la bilaabin.

Dhacdada 3aad

Markanna waxaanu gaadhnay gobol kale iyo goob kale, waxaanu la kulannay dadweyne xaddigoodu badan yahay oo dhexdooda dagaal ka socdo, dagaal kaaso daarnaa baadi doonka kharashkii lacageed ee ay goobta u yimaaddeen, waxaan hubaa in xubno dadweynaha ah dhibaato jidh ka soo gaadhay dagaalkaas, markaannu aragnay xaaladda ka jirta goobta, xalka kaliya ee aanu qaban karaynay wuxuu noqday in baabuurtii aanu wadannay mid ka mid ah kula baxsanno masuulkii ugu sareeyey ururkaas oo ka badbaadino waxyeelo kaga timaadda tageerayaasha.

Saddexdan dhacdo waxaan u ahaa goob jooge, waxaana ii soo baxaysay in xubnaha tageerayasha ahi goobta u yimaaden in dhaqaale lacageed ka sameeyaan imaanshahooda goobta. Iibsashada codka iyo tageeranimadu waa nooca ugu khatarta badan musuqa iyo wax isdaba marinta oo god dheer ku ridda dimuquraadiyadda.

Tageeridda Urur/Xisbi waxaa dhidib u ah in xubintuu tageeradeeda ku salayso:-

  1. Barnaamij siyaasadeedka iyo Aragtida Ururka/Xisbiga.
  2. Ku qanacsanaanta hoggaanka Ururka/Xisbiga hawl karnimadooda, daacadnimadooda, waayo aragnimadooda iyo sooyalkooda taariikheed.

Xaalka cod bixiyaha iyo tageeraha Urur/Xisbi ee wakhtigani waa mid ka arradan ku sar-goynta xulashadooda asbaabaha kor ku xusan, una darban wax dharaar af la geliyo ka soo dhacsigeed.

Anigoo dhacdooyinkaa usoo joogay, maskaxdaydana ay ka guuxaysay sida dalkan dhaqankaasi u dhaxal siin doono dhibaato hor leh, quusna ku ah in ay tahay dhaxalka duruufaha dhaqaale ayuunban buugga WEERANE ee uu qoray Muj Maxamed Baaruud, boggiisa 20aad kula kulmay qiso uu qoraaga buuggu kaga sheekaynayo eddadii Caasha iyo Xisbiga SNL (Somali National League).

Qisada aan kula kulmay bogga 20aad nuxur ahaan waxay u dhigan tahay sidan:-

Islaan todobaatan jir ah, oo qoraal iyo akhris toona awoodin oo isheeda dhaqaale ee ay masruufsataa tahay iibinta beedka digaagado saddex ah oo ay dhaqatay iyo tamaandho yar ayaa bil walba afar ama shan jeer (khamiis kasta) Xisbiga ay tageeraha u tahay qaadhaan ahaan ugu deeqi jirtay hanti lacageed iyadoo iibsanaysa Joornaalka Xisbigu soo saaro. Waxay igu noqotay arrin u qaadan waa ah kana fog filashadayda dhicitankeedu.

Waa qiso dhalinaysa yididiilo hore leh iyo u qalab qaadashada sidii dib loogu soo noolayn lahaa dhaqankii gobanimada badnaa ee barisamaadkii danta guud iyo wax wada lahaanshaha sida wada jirka ah bulshadu u kobcinaysay.

Waa waajib saaran Guddida u hawl galka iyo ka shaqaynta sidii dib loogu geediyi lahaa dhaqankii gobanimada badnaa ee aynu ka soo guurnay.

Alla mahaddii, Guddi ahaan waxaanu hawl weyn ka qabanay in la helo Ururro Siyaasadeed oo koox iyo qoftoona gooni u sheegan karin.

  1. Dhaqanka Cod/Tageero iibintu looma wada nisbayn karo dhamaan tageerayaasha, balse tageerayaasha dhaqankaas leh ee aan ka hadlay maha tiro yar oo qarsoomi karta.

Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim

Xubin ka ah Guddida Diiwaangalinta Ururrada Siyaasadda

& Ansixinta Asxaabta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

ย 

ย 

ย 

ย 

ย 

Leave a Reply