”Gudoomiyaha Waddani Raalin Galin Ha Siiyo Shacabka Soomaliland” Xoghayaha Abaabulka Kulmiye

0
336

Hargeysa (Dawan) Xoghayaha abaabulka iyo Wacyigalinta Xisbiga Kulmiye Saleebaan Siciid Cali ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

Saleebaan Siciid Cali oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in meel ka dhac uu qaranka ku ahaa qoraal uu soo qoray Xoghayaha Xisbiga Waddani oo uu kaga hadlay doorashada jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Saleebaan Siciid oo arimahaasi ka hadlayayn waxa uu yidhi “Waxa aan wax ka odhanayaa qoraal uu soo qoray Xoghayaha Xisbiga Waddani, waxaana ka muuqday qoraalkaas meel ka dhac qaran oo weyn. Somaliland markii la aasaasay waxaa ku heshiiyay beelaha reer Somaliland, waxa la qaybsaday kuraasta waaweyn ee dalka, intii Somaliland jirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxa soo noqonayay masuul ka soo jeeda Gobalka Sool iyadoo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada uu yahay Qaybe iyo Xaabsade Laascaanood gacanta Somaliland kumay jirin. dagaalo ayaa ka dhacay waxaana lagu soo weeraray Madaxweynihii Somaliland. dawlad kastana mashaakil wuu ka yimaadaa gobal Xuduudeeda. Waxaanu xoghayaha Waddani Khadar u shaqaynayaa nidaam ka fog mucaaradnimada”.

Sidoo kale Saleebaan Siciid ayaa waxa uu naqdiyay hadalo ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Waxaana uu yidhi “Waxa kale oo aan kalmad ka odhan lahaa hadal uu yidhi Maalintii Ciida Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, dadweymihii la tukanayay dareen ayay ka muujiyeen in hadalkiisu aanu ahayn kalmad munaasiba. waxa aynu ognahay Cabdirisaaq Khaliif oo ka soo baxay Xisbiga Waddani noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada waxaana uu noqday buundadii kala jari lahayd Somaliland, markaa waxcaan leeyahay ”Gudoomiyaha Waddani Raalin Galin Ha Siiyo Shacabka Soomaliland”.

 

 

 

 

 

Leave a Reply