Dhamaystirka Qorshaha La Qabsiga Isbedelka Cimiladda Oo Loo Furay Laba iyo Toban Degmo

0
268

Gabiley (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka JSL Maxamed Cabdillaahi Ducaale, ayaa shalay magaaladda Gabiley kulan hawleed uga furay 12 degmo oo ka mida degmooyinka dalka.

Kulan hawleedkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood ayaa ku saabsan dhamaystirka qorsheyaasha la qabsiga isbedelka cimiladda.

Furitaanka tababarkaasi waxaa agaasimaha guud ku wehelinayay maayarka degmadda Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, iyo Agaasimaha Waaxda Fayo-Dhawrka Deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka ee wasaaradda Deegaanka JSL Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, oo kulan hawleedkaasi furay ayaa sheegay in u jeedadda tababarkani ay tahay in la dhamaystiro qorshaha la qabsiga dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda ee degmooyinka dalka.

Kaasoo daba socdo daraasad ay sanadkii hore wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladu ka samaysay 12-kan degmo ee maanta kulan hawleedka loo qabtay.

Waxaanu yidhi “Kulankani oo aan ku dhamaystirayno qorsheyaasha la qabsiga isbedelka cimiladda, oo ku salaysan daraasadii aynu ka soo ururinay 12-kiinan degmo ee dalka. Bishii December, ee sanadkii hore waxay wasaaradda Deegaanku samaysay Daraasad ay doonaysay in ay ku ogaato nug-laanshaha isbedelka cimiladda oo aanu ka samaynay 12 degmo oo idinku aad ka mid tihiin.

Waxyaabaha muhiimka ah ee daraasadda lagu ogaaday waxaa ka mid ahaa in degmooyinka aad ka socotaan ay u nug laadaan isbedelka cimiladda.

Abaarraha soo noq-noqday saamayn aad u weyn ayay ku yeesheen degmooyinka dalka, waxaana ugu daran biyo yaraanta. Geedkan Garan-waagu, waa mid saamayn weyn degmooyinkeena ku leh. Bur-burka dhulka ku dhacay, iyo dhir xaalufintu, waa qodobadda ugu waaweyn.

Si dhibaatooyinkaasi xal loogu hello wasaaradda Deegaanku waxay degmooyinka u diyaarisay qorsheyaal. Degmo kasta na waxaa looga baahan yahay in ay gacan ka gaysato, isla markaana ay muhiimad gaarra siiso fulintiisa”.

Maxamed C/laahi Ducaale, ayaa tilmaamay in ay wasaarad ahaan degmo kasta oo dalka ah u diyaariyeen qorshe wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimiladda.

Waxa kaloo uu agaasimuhu xusay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wadamadda caalamku isku waafaqsan yihiin in lagula tacaali karro saamaynta ka dhalatay isbedelka cimiladda in ay ka mid tahay qorshaha la qabsiga isbedelka cimiladda.

“Wasaarad ahaan waxaanu doonaynaa in aanu si dhaw ula shaqayno degmooyinka dalka. Si iskaashi dhaw loo yeesho. Isbedelka cimiladdu wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinkabwaaweyn ee adduunka ka jira. Waxyaabaha ugu waaweyn ee imika adduunyadu isku waafaqday waxaa ka mida in waxyaabaha ugu muhiimsan ee isbedelka cimiladda lagu la tacaali karro in ay ka mid tahay in la la qabsado isbedelka cimiladda.

Sidaas darteed, waa in aynu meel hoose ka soo bilawno dedaalkeenna”ayuu yidhi Maxamed C/laahi Ducaale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Deegaanka ayaa ka qayb galeyaasha kulan hawleedkaasi kula dar-daarmay in ay ka faa’iidaystaan mudadda uu tababarkani socdo.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan idinkula dar-daarmay mudadda saddexda maalmood ah ee uu tababarku idiin socdo in aad wax weyn qabataan. Waxa kaloon rejaynayaa inaad qorsheyaasha qabyo qoraalka ka soo saari doontaan kuwo la hufay, oo lagu dhaqmo shanta sanadood ee soo socda”.

Maayarka maayarka magaaladda Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in caalami ahaan arrinta isbedelka cimiladu ay tahay dhibaato ka taagan dunida, sidaas darteed na ay muhiim tahay dal ahaan in aynu qorshe ka yeelano.

Waxaanu tilmaamay maayarka Gabiley in haddii uu deegaankeenu xumaado in ay saamayn ku yeelanayso nolosha dadka Miyi, iyo magaalaba.

“Isbedelka cimiladu caalami ahaan waa arrin taagan. Inagu na waxaynu ka mid nahay wadamada caalamka, waana in aynu wax iska waydiino, waxyaabaha inagu soo kordhay, iyo waxa inooga meel yaalla, waa arrin muhiim ah. Wasaaradda Dewgaanka, waanu ku amaanaynaa wadashaynta dhaw ee ay la leedahay dawladaha hoose iyo degmooyinka dalka.

Haddii uu deegaanku xumaado, saamayn xun ayay ku yeelanaysaa noloshii dadka, Miyi, iyo magaalo ba” ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Geesta kale Agaasimaha Waaxda Fayo-Dhawrka Deegaanka iyo Horumarinta Magaalooyinka ee wasaaradda Deegaanka Somaliland Maxamed Yaasiin Cabdiraxmaan, oo isna furitaanka kulan hawleedkaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in sababta ay u soo xusheen 12-kan degmo in ay metelaan duruufaha ka jira dhamaan ba degmooyinka kale ee dalka.

Sidaas darteed na qorshaha kulan hawleedkani ka soo baxa in lagu dabiqi doono dhamaanba degmooyinka kale ee dalka.

Waxaanu yidhi “Waxaanu degmooyinkan u xulanay, waxay metelaan dhamaan ba degmooyinka kale ee dalka, si guud duruufaha yaalla degmooyinka kale ee dalka ayuun baynu ku dabiqi doonaa, wixii ka soo baxa kulankani. Waxaanu aaminsan nahay in goleyaasha deegaanka, iyo degmooyinku in ay wax ka qaban karaan arrimaha deegaanka, iyo isbedelka cimiladda”.

 

Leave a Reply