Wasiir ku xigeenka Caafimaadka oo Eedayn u Jeediyay Xisbiga Waddani

0
278

Boorama( Dawan) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa ku ee deeyay Xisbiga Waddani in uu doonayo in shacabka Somaliland lagu kala qaybiyo jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo aan loo dooran Xildhibaan ka soo jeeda Gobalka Sool.

Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa waxa uu tlmaamay in Xisbiga Waddani dadka ku kala fogaynayo tartanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Liibaan Yuusuf ayaa hadal kan ka jeediyay Munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyaha cusub ee Gobalka Awdal iyo Guddoomiyihii hore. Waxaana uu yidhi “Waxa loo tartamayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, waxa la yidhi labo nin oo reer Boorama ka soo jeeda Maydhane iyo Cali Xaamud ayaa Xisbiga Waddani u wadaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada. waxaana aan isleeyahay taladii reer Boorama maaha in ay qaataan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo Somaliland lagu kala irdheeyo. anigu isma lihi waa taladii Boorama ee Somaliland lagu aasaasay. waa taladii Waddani ee Cabdirisaaq Khaliif Guddoomiyaha ka dhigtay ee uu kaga qayb galay 1 bisha July, waana talo teer Awdal iyo Somaliland lagu kala dareen galinayo weeye, Madaxweyne ku xigeen weeye reer Awdal Madaxweyne waa uqalmaan waanay soo noqdeen waanay ka noqonayaan dadkana yaan lagu kala foganin”.

 

Leave a Reply