Guddida Joogtada ee Guurtida oo u Yeedhay Masuuliyinta Hanti-dhawrka Guud

0
139

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada ee golaha guurtida JSL, ayaa shalay u yeedhay masuuliyiinta hanti dhawrka guud ee Qaranka, si ay uga xog wareysataan hawlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka hanti-dhowrka guud qaranka Somaliland Sacad Cabdilaahi Hiraash oo ka warbixiyey kulankaas ayaa sheegay in kulanku daaraanaa is xog wareysi ay mudanayaasha guddida joogtada ah warbixin faahfaahsan ka siiyeen howlaha kala duwan ee ay qaranka u hayaan isagoo xusey in su’aalihii kala duwanaa ee ay mudanayaashu halkaasi ku weydiiyeen inay ay uga jawaabeen, waxaanu intaas ku daray inay labada ka wada hadleen sidii loo joogteyn lahaa kulamada wada shaqayneed ee u dhexeeya xafiiska hanti-dhowrka guud iyo guddiga joogtada ah ee golaha guurtida.

Dhankiisana Guddoomiyaha guddida joogtada Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xassan Axmed ayaa uga mahadceliyey masuuliiyinta ka socotay xafiiska hanti-dhowrka guud qaranka sida ay u soo ajiibeen dalabkii mudanayaashu kaga codsadeen inay guddiga hor yimaadaan si ay uga wareystaan howlaha shaqo ee ay qaranka u hayo xafiiska hanti-dhowrka guud

 

 

Leave a Reply