Hadaanu Kulmiye Nahay Diyaar Baanu u Nahay Doorashooyinka Mid Aanu Ka Baqaynaana Ma Jirto”

0
234

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa( Dawan)Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Xuseen Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in Xisbiga Kulmiye diyaar u yahay in uu ka qaybgalo Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Axmed Cabdi Dheere oo shalay Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay mawqifka Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka Ururada Siyaasada iyo Madaxtooyadda.

Waxaana uu yidhi”Hadaanu nahay Xisbiga Kulmiye hay,adaha Dastuuriga waanu ixtiraamaynaa,dhaliishii ugu faraha badnayd ee laga sheego Guddoomiyaha Maxkamadda sarre oo gaadhay in reer lagu sheego waxa soo jeediyay Faysal Cali Waraabe.waxaana aan usoo jeedinayaa Xisbiyadda Mucaaradka iyo shacabka Somaliland meelo aan la taaban karin ayaa jira sida Maxkamadda sarre oo kale,”.

Sidoo kale Axmed Cabdidheere ayaa waxa uu tilmaamay in Koomishanka Doorashooyinka awooda tahay hawlaha Doorashooyinka.Waxaana uu yidhi”Doorashooyinka waxa xaq u leh Koomishanka Doorashooyinka.anagu Kulmiye diyaar baanu u nahay doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada mid aanu ka baqaynaa majirto ee sharciyada uun ayaa la ilaalinayaa.xisbi kastaa way iska jecel yihiin inaan xisbi nimo la gula tartamin oo ay iska sii fadhiyaan oo doorasho ururo aanay galin laakiin anagu mar hadii xisbi xaakimkii aanu nahay sharciyada ayaanu ilaalinaynaa.go’aanka maxkamadu soo saartay iyo ka Koomishanku soo saari doonaanba waanu soo dhaweynaynaa mid kastaba,”.

Leave a Reply