Jawaab Xukuumadda Somaliland ka bixisay warbixin ay soo saartay WHO

0
197
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabtay warbixin ka soo yeedhay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo eedo ku saabsan dagaalka Laascaanood u soo jeedisay Xukuumadda Somaliland.
War-murtiyeedka Xukuumadda Somaliland oo aanu soo turjunay wuxuu u qornaa sidan:-
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay si mug leh uga xun tahay warbixintii u dambaysay ee ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ka soo saartay dagaalka Laascaanood.
Dawladda Somaliland waxa ay u la wadaagtaa beesha caalamka walaaca ay ka qabto rabshadaha iyo qulqulatada ka socota Laascaanood ilaa bishii December ee la soo dhaafay, ciidammada Somaliland waxay ka difaaceen soohdimaha iyo muwaadiniinta reer Somaliland maleeshiyo beeleedyada, kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaanu samaynay dedaal kasta oo lagu ilaalinayo nafta bini’aadanka, kaabeyaasha adeegyada dadka rayidka ah oo ay ka mid yihiin Cusbitaalada iyo inkaaniyaadka caafimaadka.
Sannado badan Xukuumadda Somaliland waxay dhisaysay isla markaana gacan ka geysanaysay horumarinta adeegyadaas kor ku xusan ee ku yaalla Laascaanood, waxana aanu u ballaadhinay adeegyada caafimaadka dadka gobolka Sool.
Waxa naga go’an Xukuumad ahaan inaanu xaqiijino sidii adeegyada caafimaad ee daruuriga ah iyo mucaawimada kale ee bini’aadanimo ay u heli lahaayeen dadka u baahani.
Waxaan ku boorinaynaa Ha’yadda WHO inay Xukuumadda Somaliland kala shaqeyso sidii loo xaqiijin lahaa in dadka rayidka ah ee uu saameeyay dagaalka socdaa ay u heli lahaayeen adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.”

Leave a Reply