Guddida Doorashooyinka JSL oo Shaaca Ka Qaaday Inay Dhawaan Ku Dhawaaqayaan Wakhtiga Doorashada

0
309

Hargeysa (Dawan) Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka kadib marka ay la tashiyo sameeyaan.

Guddida oo shalay kulan wadatashi ah la yeeshay Shir-guddoonka labada aqal ee barlamaanka Somaliland, ee Guurtida iyo wakiillada ayaa sheegay in ay ku dhawaaqi doonaan jadwalka doorashooyinka, waxayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan jawaabtii maxkamada sare.

Waxaanu yidhi.”Guddida doorashadu iyada ayaa leh go’aanka aanu kusoo saarayno jadwalka doorashada, waananu soo saarayna, warqada maxkamadan waanu so dhawaynaynaa, shaqo naga dhaxaysay maxkamada oo caadi ah ayay ahayd, jadwalka waanu soo saarayna”

Guddidu waaxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin in ay la tashi la sameeyaan cida y rabaan, isla markaana kahor inta aanay ku dhawaaqin wakhtiga doorashada, ay la tashan doonaan xisbiyada, ururada siyaasada iyo ururada bulshada.

Waxaanu yidhi.“La tashiga anagaa xaq u leh, waanu sameynayna la tashiga daneeyayaasha oo dhan ayaanu la tashanaynaa, xisbiyada ayaanu la tashanaynaa,”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiillada JSL Siciid Mire Faarax Giire, ayaa sheegay in guddida doorashooyinku iska leeyihiin labada doorasho ee madaxtooyada iyo ururada ta soo horraynaysa.

Waxaanu yidhi.“Wixii tallooyin ee mihiima waanu gudbinay, Qarankuna waxa uu isha ku haya qabsoomida doorasho la galo, dalkuna doorasho ayuu u baahan yahay, doorashadana cid gaar ahi malaha ee Qaranka ayaa leh, waanu soo dhaweynaynaa, masuuliyadina waxa ay ka saran tahay guddida doorashooyinka, anaguna ka gole wakiilo ahaan waxaa aanu ku boorinay inay waajibka dastuuriga ah gutaan, shaqadooda qabsadaan, wixii ay nooga baahdaana aanu la garab taaganahay.

Guddida doorashooyinka ayaa iska leh go’aankeeda doorashada soo horraynaysa, golaha wakiilladu maleh, doorashada dalku galayo iyaga ayaa laga sugaya, anaga nalaga sugimaayo”

 

 

Leave a Reply