WEEDHA WARGEYSKA Xaalka Waddani Waa Aan Ku Irdheeyo, Haddana Kuu Ooyo!

0
305

Geedi-socodka hannaanka siyaasaddeed ee dalku waa mid la wada leeyahay oo ku dhisan shirkad, tartan iyo fagaare xor loogu hirdamo, haddana waxa udub-dhexaad u ah ilaalinta dheeli-tirka hab-qaybsiga manaasiibta sar sare ee  Qaranka oo lagama maarmaar u ah cadaallada iyo horumarka Waddanka.

Xisbiyada Qaranku ayaa qaabeeya, qoondeeya, qorsheeya, isla markaana qurxiya qaneecada iyo hufnaanta saami-qaybsiga hogaaminta hay’adda u sareeya Dalka, kuwaasoo haddii aanay tix-gelin in bulshada Somaliland iska wada-dhex arragto maamulka ama hogaanka saddexda gole-qaran ee Waddanka ka hor-imanaysa wada-lahaanshiyaha dawladnimada, dulmina ku noqonaysa hadba cida ay waasiiyaan metelaaddeeda masiiriga ah saamileyda Siyaasaddu.

Tani maaha wax heshiis Dastuuri ah lagu galay, laakiinse waa arrin mabda’ ku dhisan, kuna qeexan xeerarka siyaasaddeed ee dabeeciga ah, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo xeerarka oo aan wax diidayaa  jirin, maadaama aynu nahay dal koraya oo uu nidaamkeena doorasho ee dimuquraadiga ahi wali curdin uu yahay.

Haddaba, isweydiimo badan iyo jahawareer ayaa ka dhashay hab-dhaqanka iyo hab-fekerka siyaasaddeed ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, kaasoo aad moodo inuu ku haftay iscasilaadii Guddoomiyihii Golaha Wakiillada ee Sal-fudaydka siyaasaddeed galaaftay Md. Cabdirisaaq Khaliif oo ka tirsanaa, kuna dhiseen xisbigaasi xilkii shir-guddoonka ee uu baneeyey.

Xisbiga Waddani markii gar-waaqsaday in guddoomiyihii ay golaha ku dhiseen lumay, waxa ay gabi ahaanba meesha ka saareen xuquuqdii saami-qaybsi ee shacbiga gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, waxaanay si cad oo aan gabasho lahayn u cadeeyeen in aanay bulshadaasi wax xuquuq-siyaasaddeed ah ku lahayn dalka, taasoo aanay u kala hadhin dadka hormuudka u ah xisbigaasi, iyagoo waliba eeddna ka dhigay. Waxa cad in  madaxdooda xisbigaasi faq iyo fagaareba ku muujiyeen diidmadaasi ku wajahan reer Sool.

Waxaana muuqata inay dooddooda ku salaynayaan xaq uma laha xildhibaannada reer Sool inay u tartamaan guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee waxa xaq u leh mudane ka soo jeeda gobolka Awdal.

Hadal toosa oo noocaas ah, ayaa hore iyo  shalay oo u dambeysay ay warbaahinta ka sheegeen Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Khadar Xuseen iyo Xildhibaan Khadar Guun oo ka tirsan Xildhibaannada ku metela Golaha Wakiillada Xisbigaas, waxaanay labada masuulba si’ aan gabasho lahayn ugu dooddeen “in aan xildhibaan Yaasiin Faratoon iyo xubnaha kale ee Baarlamanka ka tirsan ee Gobolka Sool xaq u lahayn qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee uu ka tegay Ninkii shalay xisbigoodu dhisayey ee qaranka khiyaameeyey”.  Waxa kale oo ay iyagoo sidaas u duudsiyaya umadda dhan ee gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag, haddana ay muujinayeen dareen ay kaga xun yihiin waxa magaalada Laascaanood ka dhacay iyo xaalada ku habsatay umaddii ku dhaqnayd, iyagoo aan wax eedd ah saarin kuwa ku soo duulay iyo cida u maleegtay mashaakilka saameeyey.

Waa laba arragtiyood oo  aad isu-diidan inay ka xun yihiin dhibaatada ka dhacday Laascaanood iyo inay si cad u inkiraan inay metelaad ku yeeshaan madaxda u sareysa hay’addaha Qaranka, waxaanay ka dhigan tahay inay shacbiga gobollada SSC ku dhaqan kala irdhaynayaan Dalkooda, haddana ay tusayaan lexejeclo afka baarkiisa ah, iyada oo ay iska caddahay in qorshaha ay xildhibaannada reer Awdal ugu riixayaan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ay tahay hindise ay cod kaga doonayaan gobolkaasi, taas bedelkeedana waxa uu WADDANI isku-haynta Qaranka ka door-biday danno khaas ah iyo doonis aanu damaanad u haysan.

Ma inkirayno, in xildhibaannada gobolka Awdal xaq u leeyihiin qabashada kursiga u sareeya shir-guddoonka iyo mansab kale oo ka muhiimsan, balse waxa xaqiiqo ah inay mudaneyaasha gobolkaas ka soo jeeda badankoodu la dareen yihiin bulshada Somaliland ee aaminsan in gar iyo gar-darraba Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada lagu dhiso xildhibaannada gobolka Sool, iyadoo la tix-gelinayo duruufihii hore ee jiray ee dhanka tabashada Saami-qaybsiga iyo xaaladaha cusub ee ku kordhay.

Sidaas awgeed, xaalka Xisbiga WADDANI ee ku saabsan doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu waa mid ka dhigan aan ku irdheeyo, haddana kula ooyo! Waxaana iyaga dhankooda ka muuqata inay xildhibaan Cabdirisaaq tegistiisa aan cidina khasbin iyo xuquuqdii umadda uu metelayey isku jaan-gooyeen, doonahayna inay soo kala hadhaan.

hase yeeshee taasi waa mid aan dhacayn, waxaanay runtu tahay oo maalin aan fogayn la arki doonaa in aqlabiyada Golaha Wakiillada JSL oo leh go’aaminta xubnaha Shir-guddoonkoodu ay xilkaasi u gelbinayaan, kuna fadhiisiin doonaan mudane ka soo jeeda Sool, waxaana loo badinayaa in Mudane Yaasiin Faratoon oo ah xildhibaan khibrad iyo haykal siyaasaddeed leh uu qabto.

Leave a Reply