Wasiirka Gaadiidka oo Bilaabay Xal u helida Khilaafka Iskaashatada Gaadiidlayda Berbera

0
106

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa kulan la yeeshay iskaashatada gaadiidleyadda xamuulka Towfiiq ee ka shaqaysa Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, guddoomiyaha Gobolka Saaxil Cali Cabdi Cabdillaahi (Cali Case), agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Muuse Jaamac Maxamed iyo agaasimaha Waaxda gaadiidka ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdikariin Baashe Cabdilaahi.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda ayaa intii uu socday waxa lagu falanqeeyay sidii loo soo xal waara looga gaadhi lahaa khilaaf muddooyinkii u danbeeyay u dhexeeyay iskaashatada gaadiidleyda xamuulka ee magaalada Berbera.

Gaba-gabadii waxaa shirkaasi lagu gaadhay is afgad iyo in kulamo danbe oo la xidhiidha sidii loo xalin lahaa khilaafkaasi isla markaana go’aano looga soo saarilahaa lagu afjarayo khilaafka.

 

Leave a Reply