Guddida Joogtada ee Guurtida oo Kormeeray Saldhigyada Hargeysa

0
219

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha guddidaasi xildhibaan Dayib Xasan Axmed, ayaa saaka kormeer ku tagey Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa, markii guddidu saldhigaasi gaadheen waxa ku soo dhaweeyay taliyaha Saldhiga dhexe iyo ciidamadii goobtaasi joogay

Guddida joogtadu waxa ay warbixin la xidhiidha xaalada maxaabiista, nadaafada saldhiga iyo tirada eedaysanayaasha ku xidhan ka dhageysteen taliyaha saldhiga dhexe, intaas kadib waxa ay kormeer ku sameeyeen xafiisyada Saldhiga, sidoo kale waxa ay soo eegeen xaalada maxaabiista ku jirta Saldhiga iyaga oo mid mid u wareystay, waxaanay u sheegeen maxaabiistu in si fiican loola dhaqmo xaaladooduna aad u wanaagsan tahay.

Sidoo kale guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland waxa ay kormeer ku tageen saldhiga booliska degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa, waxaana warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo la xidhiidha xaalada Saldhiga, maxabiista ku xidhan iyo nadaafadiisaba guddida uga waramay taliyaha saldhiga degmada Gacan Libaax.

Geesta kale guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland waxa ay kormeer ku tageen saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa, waxaanay warbixin ka dhageysteen taliyaha saldhigaasi oo xafiiskiisa ku qaabiley guddida, isla markaana uga mahadceliyay kormeerkooda.

Guddidu intaas kadib waxa ay kormeer xog ogaal u noqosho ah ugu tageen maxaabiista ku jirta Saldhiga degmada Ibraahim Koodbuur, iyaga oo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladooda guud.

Haddaba markii kormeerkaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta faafhaahin ka siiyay kulamadii ay la yeesheen taliyayaasha saldhigyadii ay soo mareen, maxaabiistii ay la kulmeen iyo nadaafadoodiiba guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, waxaanu sheegay in warbixinooyin dhinacyo badan taabanaya oo la xidhiidha xaaladaha Saldhigyada, maxaabiista iyo nadaafadoodaba ay uga warameen, waxaanu xusay in ay golaha horgeyn doonaan warbixinta iyo wixii ay indhahooda ku soo arkeenba.

 

 

Leave a Reply