Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Booqday Xarunta Hiraal Youth Center

0
110

Hargeysa (Dawan)- Xarunta horumarinta dhallinyarada ee Hiraal Youth Center, oo ku taal caasimada Hargeysa ayaa waxa booqatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing, taas oo ay maalgaliso hay’adda UNFP.

Ergayga ayaa waxa xarunta kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka socday hay’adda UNFPA, hay’adda waddaniga ah ee SOHASCO oo iyadu xarunta gacanta ku haysa, iyo maamulka xarunta.

Ergayga ayaa booqashadeeda kusoo indho indhaysay guud ahaan xarunta, gaar ahaana goobaha kala duwan ee ay ka socdaan tababarada horumarinta dhallinyarada, iyada oo mid mid ula kulantay ardayda ku jirta tababarada barashada luuqada suul-dhabaalaha, cunto karinta, dawaarka, barashada kamarada, muuqaal samaynta iyo xinnaha.

Ergayga ayaa aad ugu qushuucday shaqada ay xaruntu bulshada u hayso, iyada oo maamulka xarunta uga mahadcelisay dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadista xirfadaha dhallinyaradda.

Ergayga ayaa dhinaca kale booqasho ku tagtay xarunta caafimaadka ee Hiraal oo bulshada si lacag la’aan ah ugu qabata addeegyo kala duwan oo caafimaad.

Ugbaad Axmed Cali oo ah madaxada xarunta caafimaadka ayaa ergayga iyo waftiga la socday faahfaahin ka siisay addeegyada ay xaruntu bulshada u hayso.

Ugu dambayna, Muuna Maxamed Cali oo ah maamulka xarunta Hiraal Youth Center, ayaa ka war bixisay booqashada ay ergayga gaar ka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku timid xarunta Hiraal

 

 

Leave a Reply