Tirada Guud ee Dadka Qaata Daawda Xanuunka HIV/AID oo la Shaaciyay

0
101

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha fulinta Koomishanka Qaranka Xakameynta HIV/AIDS Ismaaciil Xaaji Muxumed Aaye ayaa sheegay in tirada guud ee dadka qaata daawada xannuunka HIV/AID-sku ay yihiin 1907 qof.

Waxaanu yidhi.“Xogta dadka imika la hayo ee qaata dawada waxa weeyaan 1907 qof, oo qaata daawada, inta marka daawada qaadata waa inta u baahan in raashin la siiyo”

Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiyaha xakameynta HIV/AIDS in 24 qof oo ka mida bulshada la nool xanuunka la barayo xirfado ay ku shaqaystaan, ahna dufcadii ugu horraysay.

Waxaanu yidhi “Waxa ugu badan ee aanu imika qabanay waa in dadkani faquuqa ka baxaan oo bulshada soo dhexgalaan, kulamo ayaanu dhawrjeer u qabanay ay ku sheekaystaan.

Wixii waxbarankaraya waanu barnaa, imika 24-kii qof ee ugu horreeyay ayaanu waxbarasho u bilowney xirfad ay ku shaqaysan karaan, waxa qorshahayagu yahay haddii 24-kani ay guulaystaan in dad badan oo bulshada xannuunka la noola aanu barno farsamooyin iyo xirfado ay ku shaqaystaan”

Geesta kale waxa uu sheegay in uu hoos u dhacay xannuunka AIDS-ku, isla markaana mihiimadu tahay in halka lagu hayo.

Waxaanu yidhi“Imika hoos u dhac aad u weyn ayaa jira waxa keentay daawada la qaadanayo iyo wacyigelinta la sameeyay”

Waxa uu daboolka ka qaaday in gacanta lagu hayo xeerkii Hay’adda xakamaynta dadka qaba xanuunka, si loo helo xeer sahlaya in qofkasta laga baadho xannuunka si loo hubbiyo xaaladiisa caafimaad.

Waxaanu yidhi “Waxaanu imika gacanta ku hayna xeerki lagu dhaqayay bulshada ee qabta HIV/IADS, kaas oo golaha wasiiradda horyaala, ansixintiina sugaya.

Hadda qof isagu ogol in uu isbaadho uunba la baadha, sababto ah xeer uma hayno aynu nidhaahno qof walba hala baadho, dadka ajaanibta ah ee imanaya hala baadho, marka waxaan soojeedinaya in bulshada wacyigelin loo sameeyo si qofkasta fursad ugu helo in la baadho”

Gaba-gabadii waxa uu xusay in qorshuhu yahay in sannadka 2030-ka Caalamka oo dhan laga hirgeliyo.

 

 

 

 

 

Leave a Reply