Bandhigga 16-aad ee Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa oo la Daah-furay

0
150

 

Hargeysa (Dawan)- Magaalada Hargeysa, ayaa waxaa maalintii dorraad ka furmay Carwada Bandhigga Buugaagta Hargeysa, taasi oo sannadkii 16-aad oo xidhiidh ay qabatay Xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo sanad walba socda Muddo Toddobaad ah, ayaa waxa sannadkan furitaankiisii ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wufuud ka socotay Midowga Yurub, Afrika, Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, qoreyaal, Suugaanyahano iyo Boqolaal qof oo kale, kuwaasi oo xiisaya bandhigaasi.

Ugu horrayn, waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa oo sannad walba soo qaban-qaabiya Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu ka warramay maraaxilkii ay soo martay iyo heerka ay marayso Maanta oo la qabtay markii 16-aad, waxaanu sheegay in Muddadii la qabanayey Carwada Buugaagta ay ka faa’ideen dhalinyarada Somaliland, fikir ahaana u Koreen, sidaa darteedna ay iyaguna dedaalkooda halkaa ka sii wadayaan “16 Sano oo aynu dhisnay Hoyga Aqoonta iyo akhriska, Maantana uu taabbo-qaaday midho-dhalkeedii, waad arkaysaan inay soo baxeen dhallinyaro waxyigoodu sarreeyo, akhriskooduna dhisan yahay..” ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay dedaalkooda la xidhiidha horumarinta dhalinyarada iyo Aqoonta, taasi oo qayb weyn ka qaadanaysa horumarka Somaliland ee Mustaqbalka “Waa 16 Sano oo isku xidhay Somaliland iyo Adduunka..” ayuu yidhi, “Xaruntani waxay noqotay Daaqad ay ka daawato Adduunyada inteeda kale, sida Adduunyadu wax u qorto, siday Adduunyadu u fikirto, daaqaddaas oo saamaxday in Adduunyadu aragto Somaliland..”

Jaamac Muuse Jaamac wuxuu sheegay in muddadaa 16-ka sano ah ay Xarunta ku marti-qaadeen tobanaan Wufuud ah oo ka kala socda Dalalka.Afrika.

Dr’s. Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Somaliland oo halkaa ka hadashay, ayaa bogaadisay dedaalka Xarunta dhaqanka iyo Hawl-wadeennadeeda uu Hoggaamiyo Jaamac Muuse Jaamac, waxayna u soo jeedisay inay dedaalka halkaa ka sii wadaan.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Marti-sharafta dalalka shisheeye ka yimid ee ka qayb-galay Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa, isagoo sheegay inuu ku faraxsan in Magaalada uu Maamulo lagu qabto bandhiggan sannadlaha ah ee kulmiya wufuudda Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, si ay muddada bandhigo soconayo isku waydaarsadaan Aqoon iyo waayo-aragnimo.

Furitaanka Carwadan oo sidoo kale ay khudbado muhiim ah ka jeediyeen aqoonyahanno ka kala socday Yurub, Afrika iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa waxa kale halkaa ka hadlay Professor Lamumba, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay In lagu marti-qaaday Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo uu ku tilmaamay madal Aqoon la isku waydaarsado.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Saylici ayaa bogaadiyey Xarunta dhaqanka, waxaanu sheegay in xarunta dhaqanku heerkaa ku soo gaadhay Samir “Xarunta dhaqanku waxay halkaa ku soo gaadhay Samir iyo adkaysi..” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku waxaanu intaa ku daray “Jaamac iyo Kooxdiisu dedaalkooda way joogteeyeen. Xarunta dhaqanku waxay qayb weyn cidda Somaliland Adduunka tusta ee Magaca Somaliland Adduunka gaadhsiisa..”

Waxa xusid mudan in bandhiggan inta uu socdo ay Khuburrada Caalamiga ahi dadweynaha la wadaagi doonaan Aqoon iyo Waayo-aragnimo la xidhiidha waxyaabaha ajandaha ku jira ee sannadkan la qorsheeyay in xarunta dhaqanku soo tebiso.

 

 

 

 

Leave a Reply