Xoghayihii Xidhiidhka Gobolada ee Xisbiga Waddani oo is Casilay

0
168

Hargeysa (Dawan) Xoghayihii Xidhiidhka Gobolada Iyo Degmooyinka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Bookh ayaa sheegay in uu iska casil xilkii xubinimadii Golaha dhexe ee uu ka hayay Xisbigaaas.

Maxamed Cabdillaahi Bookh ayaa waxa uu sheegay in is casilaadiisa ay keentay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo 19 Xildhibaan ee deegaankiisa ka soo jeeda hal Xildhibaan kalsooni uga keeni waayay Musharaxii Mucaaradku u wateen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada.

Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa Sidan. “Markaan arkay xaalada waddanka ka taagan oo ah laba qodob oo waawayn, Doorashadii Komishanku ku dhawaaqay, markaan arkay Doorashada Shir Gudoonka Golaha Wakiilada oo ahmiyad wayn u leh Xisbiyada Qaranka oo ahayd in laga yeesho Xisbi ahaan wada-xaajood, isla markaan aanay jirin ilaa maanta wax wada-tashiya oo hawlahaas laga gala yeeshay Maadaama aanu nahay madaxdii Xisbiga.

Markaan arkay Gudoomiyihii Xisbiga Waddani arimahaas oo taagan in uu Waddanka ka maqan yahay, markaan arkay 19 Xildhibaan oo ka soo jeeda Deegaankiisa oo aanu hal Xildhibaan kalsooni uga helin Musharaxii u taagnaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada isagoo kursigii ugu sareeyay Xisbiga ku fadhiya.

Markaan arkay dhamaan waxaas oo dhan waxaan iska casilay dhamaan xilkii aan u hayay Xisbiga, Xoghayihii Gobolada iyo Degmoyinka iyo golihiisii dhexe Dhamaantood.

Waxaan halkan uga mahad celinaya Musharaxa Xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ah Nin ilaahay ugu Deeqay dulqaad, daacadnimo, degenaasho iyo nin dhamaan umada Somaliland u simantahay.”

 

 

Leave a Reply