Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo Hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiillada Somaliland

0
227

Hargaysa(Dawan) Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa isaga oo ku hadlaya macaga wasaaradda warfaafinta iyo ka xukuumadda Somaliland ba waxa uu hambalyo iyo boggaadin u diray gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Somaliland, oo shalay ay mudanayaasha golahaasi u doorteen inuu hogaamiyo Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Somaliland, ayaa waxa uu ku sifeeyay gudoomiyaha cusub ee loo doortay golaha wakiillada inuu yahay shakhsi qaranka Somaliland tacab badan gashaday, sidoo kale abaal wayn ku leh dalka iyo dadkaba.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-galinta Somaliland waxa uu boggaadiyay Xildhibaan Maxamed Khadar Daahir Mooge oo isagu la tartamayay Gudoomiye Faratoon, isla markaana aqbalay natiijada ah in laga guulaystay.

Wasiir Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa qiray in Gudoomiye Faratoon uu dalka Somaliland intii uu joogay si daacad ah ugu shaqaynayay, waxaanu xusuy in uu marxalado kala duwan la soo maray oo waayo’arag u yahay seeska dawaladnimo iyo sidii loo soo bilaabay yagleelida Qaranka, lexejeclo badana uu u hayo dalkiisa wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi

‘’Aniga oo ku hadlaya Magaca Wasaradda Warfaafinta iyo ka Xukuumaddaba waxaan hambalyaynayaa gudoomiyaha loo doortay Golaha Wakiillada Somaliland Faratoon, waxaana is leeyahay waa nin wax ka qaban kara shaqaaqooyinka iyo dhibaha ka jira Bariga, wuxuu ka noqon karaa hormuud iyada oo aanu la wada shaqayn doono haddii ALLAH idmo, qaar badan baa jeclaa inuu guul daraysto, waxaanay ahaayeen kuwo aan u danaynayn Somaliland, marka laga tago doonista qofka.

Qof kasta oo taageeray iyo qof kasta oo qayb ka ahaa iyo cid kasta oo maskaxda iyo maankaba ku haysay, waxaanu leenahay Somaliland waa guulaysatay ee hambalyo, kii u arkayay in cid kale kaga haboonayd ama aan doonayn wax aan odhanaynaa soo leexo, danta qaranku halkaasi ayay ku jirtaa, looga biqi mayo inuu golaha wakiillada noqodo haddii gudoomiyahaasi yimi, golahaasi waxu noqonayaa mid lagu hago danta qaranka iyo danta ummada reer Somaliland.

Markasta Urruro waynu noqon karanaa, Xisbiyo waynu noqon karnaa, fikirka siyaasiga ah waynu ku kala duwanaan karnaa lakiin qofka siyaasiga qaan-gaadhka ah wax looga baahan yahay in danta guud ee qaranku ay meel u wada tahay Ummadda, lakiin mar aynu halkaasi hoos uga nimaadno waa la kala danaysan karaa qofba fikir ama Xisbi ama Urrur wuu u codayn karaa ama wuu aaminsanaan karaa, lakiin haddii aan danta guud la ilaalin ee qaranku leeyahay, waxaa hubaal ah in aan ta gaar gaarka ah la helayn’’.

 

 

 

 

 

Leave a Reply