Brazil: Madaxweyne Lula oo xoojinaya xakamaynta hubka iyada oo uu sare u kacday lahaanshuhu

0
90

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa saxiixay amar lagu adkeynayo kontoroolka hubka si loo joojiyo lahaanshaha hubka oo sii kordhaya.

Madaxweynihii midigta fog ee ka horeeyey Lula, Jair Bolsonaro, intii uu xukunka hayey waxaa jiray in lahaanshaha hubku uu ku dhowaad ​​toddoba jeer laba jibaar kor ugu kacay dadka diiwaangashanayey.

Xaddidaad ayaa la saari doonaa kaydadka qoryaha iyo rasaasta, halka hubka qaarkood, oo ay ku jiraan qoryaha rasaastoodu sagaal milimitir tahay, la mamnuuci doono.

Koontaroolada cusub waxay oofiyaan ballanqaadkii ololaha ee Lula.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay mowjado rabshado siyaasadeed intii lagu guda jiray doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore inay ka dambeysay xakamaynta hubka oo dabacsan.

“Waan sii wadi doonnaa in aan u dagaalanno hubka dalkeena ku jira. Kaliya waa in booliiska iyo ciidanka si wanaagsan loo hubeeyo,” Lula ayaa yidhi isagoo soo bandhigaya tallaabooyinka cusub ee adag.

Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib dhowr toogasho oo dhawaan ka dhacay dugsiyo iyada oo Brazil la diiwaan geliyey in ay ka dhacaan in ka badan shan dil saacadiiba celcelis ahaan sida la soo saaray sanadkii 2022, waxaana sheegtay Madasha Amniga Dadweynaha, NGO.

Brazil ayaa leh ku dhawaad ​​800,000 oo milkiileyaal qori ah oo diiwaangashan, marka loo eego sanadkii 2018 in ka yar 120,000 ayey diiwaan gelinto ahayd, laakiin sanadkii 2018 markii la doortay Mr Bolsonaro la doortay ayuu lahaanshuhu xadhkaha goostay, warbixintan waxa hadda laga soo dheegtay Buugga Sannadka Brazil ee Amniga Dadweynaha 2023.

Dalku xaq dastuuri ah uma laha in uu hub qaato.

Laakiin sida ku cad wareegtada fulinta ee uu soo saaray Mr Bolsonaro 2019 dadka reer Brazil waxay xaq u lahaayeen inay haystaan ​​​​ilaa afar qori, halka kuwa kalena la siiyay ogolaansho inay ku qaataan hub raasaasi ku jirto meel fagaare ah marka ay fuliyaan shuruudo gaar ah.

Wareegtada ayaa sidoo kale sare loogu qaaday xadiga rasaasta ay dadku ka iibsan karaan 50 ilaa 5,000 oo ah kartoonada hubka la ogolyahay iyo ilaa 1,000 kartoon oo loo isticmaalo hubka xaddidan.

Kormeerka hubka rayidka ayaa laga wareejinayaa ciidanka waxaana loo wareejinayaa booliiska federaalka Brazil, kadib dhaleeceyn ku aadan kormeerka daciifka ah.

Milkiilayaasha hubka ee iibsaday hubkooda hoos yimaada Mr Bolsonaro laguma qasbi doono inay ka tanaasulaan, laakiin barnaamijka dib u iibsiga ayaa bilaaban kara sanadkan.

Mr Bolsonaro ayaa ku doodayey in hubku uu Brazil ka dhigo mid nabdoon, isaga oo tilmaamaya in heerka dilku hooseeyo intii uu xafiiska joogay.

Madaxweynihii hore ayaa laga mamnuucay inuu xilka u tartamo muddo 8 sano ah ka dib markii lagu helay inuu ku takri falay awoodiisa ka hor doorashadii madaxtinimada ee sanadkii hore.

Waxaa lagu eedeeyay inuu wiiqay dimuqraadiyadda Brazil isaga oo si been abuur ah u sheegay in codadka elektaroonigga ah ee la adeegsaday ay u nugul yihiin jabsiga iyo khiyaanada.

Doorashadan oo ahayd mid aad u adag ayaa la galay wareeg labaad 30kii Oktoobar waxaana ku guuleystay Lula codad yar.

Mr Bolsonaro waligiis si fagaare ah uma uusan qiran guuldaradiisa wuxuuna ka tagay Brazil oo uu aaday Florida labo maalmood ka hor inta aan Lula loo dhaarin xilka madaxweynaha.

Taageerayaasha Madaxweynihii hore oo diiday inay aqbalaan natiijada doorashada, ayaa 8-dii Janaayo xoog ku galay Congress-ka Brazil, madaxtooyada iyo dhismaha ay degan tahay Maxkamadda Sare.

 

Leave a Reply