Qabashada Vladimir Putin ee Koonfur Afrika waxay noqonaysaa ‘ku dhawaaqid dagaal’, ayuu yidhi Ramaphosa

0
174

Isku day kasta oo lagu doonayo in lagu xiro Vladimir Putin haddii uu booqdo Koonfur Afrika waxay noqon doontaa ku dhawaaqid dagaal ka dhan ah Ruushka, sidaa waxa yidhi madaxweynaha dalkaas.

Cyril Ramaphosa ayaa digniintan jeediyay iyadoo toddobaadyo ay ka harsan yihiin shir caalami ah oo ka dhacaya Johannesburg, kaasoo lagu casuumay madaxweynaha Ruushka.

Laakin hadii Mr Putin uu ka tago dhulka Ruushka, waxa uu muteysan doonaa amar lagu soo xidhayo maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka (ICC).

Koonfur Afrika waa saxeexe ICC, sidaas darteed waa in ay gacan ka geystaan ​​soo qabashada.

Laakiin Koonfur Afrika waxay 2015-kii diiday in ay ixtiraamto dalabka maxkamadu ka codsatay in la soo xidhi madaxweynihii Suudaan Cumar al-Bashiir oo markaa loo raadinayay dambiyo dagaal oo ka dhan ah dadkiisa.

Mr Putin ayaa lagu casuumay Koonfur Afrika bisha August, markaas oo uu dalkaasi martigelinayo shir madaxeedka xubnaha dalalka Brics – oo loo soo gaabiyo Brazil, Russia, India, China iyo South Africa. Kooxdan dhaqaalahoodu aadka u kobcayo ayaa dadka qaarkiis u arkaan inay beddel u yihiin kooxda G7 ee dhaqaalaha horumaray.

Xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa tagay maxkamad si uu isugu dayo in uu maamulka ku qasbo in la xidho Mr Putin haddii uu cag soo dhigo dalkaas.

Dukumiintiyada maxkamadda ayaa muujinaya in madaxweyne Ramaphosa uu si adag uga soo horjeedo tallaabo kasta oo noocaas ah, isaga oo sheegay in amniga qaranka uu halis gelayo.

“Koonfur Afrika waxa haysata dhibaatooyin muuqda oo ah fulinta codsi ah in la xidho oo la dhiibo madaxweyne Putin,” iyaga oo u arka inay taasi dhibaato gaadhsiin doonto.

“Ruushka waxa uu si cad u sheegay in xadhiga madaxweynahooda ay noqonayso ku dhawaaqid dagaal.Waxay noqonaysaa mid aan waafaqsanayn dastuurkayaga waxaanay la mid tahay dagaal lagu soo qaaday Ruushka.”

Madaxweyne Ramaphosa waxa uu sheegay in Koonfur Afrika ay ka mid tahay dhawr waddan oo Afrikaan ah oo wada-hadallo la leh Ruushka iyo Ukraine “iyada o la doonayo in gebi ahaanba la soo afjaro dagaalka”, sidaa awgeed isku dayga lagu doonayo in lagu xidho Mr Putin ay noqonayso mid aan faa’iido lahayn.

Bishii la soo dhaafay waxaa la arkayay ergada nabadeed ee wadamada Yurub, halkaas oo madaxweynayaasha Afrika ay rajaynayeen in ay miiska wada-xaajoodka isugu keenaan Ukraine iyo Ruushka balse ugu dambayntii way ku guul-darraysteen .

Wax badan ayaa laga sameeyay diidmada wadamada Afrikaanka ah ee ay ku taageerayaan go’aamadii golaha guud ee Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyay dagaalka Ruushka ee Ukraine .

Koonfur Afrika ayaa xidhiidh la lahayd Midowgii Soofiyeeti, xilkii midab-toorka markaa waxay ixtiraamayaan xidhiidhka soo jireenka ah. Wadanka Mali ayaa isna ku tiirsan maanta calooshood u shaqeystayaasha Wagner si ay ula dagaalamaan jihaadiyiinta.

Waxaa jira xidhiidh dhaqaale oo ka dhexeeya Ruushka iyo waddamada Afrika sidoo kale, oo xidhiidhkoodu aanu ka yarayn ka Koonfur Afrika.

Maal-qabeen Ruush ah oo cunaqabatayn lagu soo rogay, Viktor Vekselberg, ayaa la sheegay inuu yahay mid ka mid ah deeq-bixiyayaasha ugu weyn ee taageera xisbiga maamulka Koonfur Afrika – African National Congress (ANC).

 

 

 

Leave a Reply