Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL, oo Tababar u soo Xidhay Agaasimayaasha Waaxaha Cududa Shaqaalaha iyo Qorshaynta

0
119

Hargaysa(Dawan) Hay’adda shaqalaaha dawlada ayaa shalay soo gaba-gabeysa tababar ay qaadanayeen agaasimayaasha cududa shaqaalaha iyo qorshaynta ee wasaaraddaha dawladda oo ku saab-sanaa maaraynta isbadalka maa’mulka shaqada.

Xidhitaanka tababarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada, madaxda waaxaha hay’adda shaqaalaha dawalada iyo masuuliyiinta mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawlada oo iyagu fulinayay tababarkan.

Madasha tababarka ayaa waxa ka hadlay Agaasimaha waaxda hawlgabka iyo xaqsiinta Saleebaan Maygaag Obsiiye, waxaanu sheegay in tababarkan door mihiima ay ku leeyihiin agaasimayaasha cududa shaqaalaha sidii xog buuxda looga heli lahaa dadka xanuunada la jiifa ee qarankooda u shaqeeyay iyo kuwa geeriyooday si ay u helaan xuquuqdooda asaasiga ah.

Deeq Aw Cali Yuusuf agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in tababarkani uu yahay mid muhiim u ah shaqada wax badana kabadali doona xafiisyada dawlada hawl socodsiinta isbadalka maamulka.

Agaasimaha guud ee hay’adda shaqaalaha dawlada Khaalid Mire Nuux ayaa soo gabagabeeyay tababarkaasi labada cisho socday,waxaanu ka hadlay tababarkan inay ujeedadiisu ahayd sidii loo dabaqi lahaa 16 ka habraac, waxa uu intaas ku daray , in da’daalada hay’adda shaqaalaha dawladda ee ku saabsan tayaynta tababarida iyo horumarinta shaqada ay meel wanaagsan marayaan, waxaanu ku booriyay shaqaalaha qaadanayay tababarka inay si fiican ugu faa,iidaystaan kuna dhaqmaan.

Gab gabadii agaasimaha guud ee hay’adda shaqaaluhu waxa uu kula dar daarmay xubnihii tababarka qaadanayay inay ku dadaalaan maaraynta isbadalka maa’mulka shaqada iyo dar-dargalinta hawlaha qaranka u hayaan iyaga oo fulinaya casharada ay tababarkan ka korodhsadeen

 

 

 

 

Leave a Reply