Guusha Guddoomiye Faratoon Qaranka oo Dhan baa Guuleystay”

0
237

Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo ka hadlay Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo munaasibad soo dhawayn ah loogu qabtay gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada ayaa sheegay in gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilladu uu yahay shakhsi tacab badan gashaday dalka isla markaasina ka soo qayb qaatay nabadaytii dalka iyo hanaqaadka iyo horumarka Somaliland soona joogay xiliyo kala duwan oo duruufaha wakhtigu kala duwanayeen.

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa madasha ka qiray in Gudoomiye Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon uu ka mid yahay dadkii tirada yaraa ee xididada u aasay jiritaanka Somaliland.

Gudoomiye Saleebaan o arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ‘’Aw-guuryo waad guulaysatay, guushaasina mid aad kalidaa guulaytaya maaha ee qaranka oo dhan baa guulaystay, waxa aynu doorashadaa muujinay maanta qarannimo, golahaasina waxaa islahaa wagash wagash baa ka imaanaysa’e xilkoodii waa guteen waana mahadsan yihiin.”

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu intaasi raaciyay “Yasiin nin aan maanta idin barayo idinkuna aad baranaysaan maaha, intiina badan intii aad jirteen qaranka ayuun buu u adeegayay, intaa waa halgamayay ragii dhidibada u aasay Somaliland madax bannaanideeda, horumarkeeda, waxqabadkeeda iyo dimuqraadiyada dhismaheedaba ragaasi ayuu ka mid ahaa, isaga iyo rag kale oo yar marka aan Laascaadood ka hadlayo oo qaarkood dhinteen waxa ay ahaayeen ragii Somaliland xididada u aasay ee u adeegay dhismaha, ILLAAHAY baa ka abaal marin doona, dadkuna waa u og-yihiin Yaasiin waa u og-nahay waad mahadsan tahay.

Goluhuna nin oday ah oo awr hayina oo aan buubaal lahayn oo idin hagga oo khibrad leh oo aqoon leh baan idiin yimi’e idina codkii siiseene waad mahadsan tihiin.”

 

 

Leave a Reply