Waan ku Faraxsanay Guusha Guddoomiye Faratoon”

0
126

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal ayaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo Mudanayaasha Golaha Wakiilada cod gacantaaga ugu doorteen hoggaaminta golahaas.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan Cabdilaahi Darawal oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in cid kasta oo qaranimada Somaliland danaynaysaa ay doonaysay in Guddoomiyaha Golaha Wakiilada loo doorto Yaasiin Maxamuud Xiir Farotoon, isla markaana ay ku hambalyaynayaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee loo doortay Faratoon.

Cabdilaahi Darawal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aynu sugaynay oo shalay dhacay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, waxaana aan ku faraxsanay in uu ku guulaystay Yaasiin Faratoon oo nin kasta oo danaynaya Somaliland niyada ka jeclaa in uu ku guulaysto Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, waana u hambalyaynaynaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee loo doortay Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, waxa aan u rajaynayaa guul. waxaana aan u rajaynayaa in Illaahay u fududeeyo hawshaa baaxada leh ee loo xilsaaray”.

 

 

 

 

Leave a Reply