Hindiya: 15 ayaa ku dhintay koronto ku dhacday meel u dhow webi qarkii

0
116

15 qof ayaa dhimatay kadib markii uu ay qarxeen qaar ka mid ah xadhkaha korontada qaada ee biraha ku xidhan Salaasadii isla markaana xadhig dabaysani uu ku soo dhacay qarka wabiga Alaknanda ee gobolka Uttarakhand ee waqooyiga Hindiya.

Dhacdadan oo ka dhacday degmada Chamoli ayaa mas’uuliyiinta sheegeen in ay ku dhinteen sarkaal ka tirsan booliiska iyo shan ka mid ah ilaalada guri ku dhowaa webiga.

Madaxa gobolka Pushkar Singh Dhami, ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo

Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof ay sidoo kale si xun ugu dhaawacmeen shilkaasi.

Waxaana lagu daweynayaa isbitaalka weyn ee degmada.

Kormeeraha guud ee booliska Chamoli Pramendra Dobhal ayaa sheegay in shilkani uu dhacay fiidkii Arbacadii, balse loo soo sheegay subaxnimadii Arbacada.

Sida laga soo xigtay TV-ga NDTV, Transformer-ka ama xadhkaha qarxay ayaa oo saarnaa buundada dhexmarta webiga.

“Tuulada ayaa nalaga soo wacay in nin waardiye ah uu u dhintay koronto, markii ay booliisku u tageen si ay u hubiyaan waxay ogaadeen in 21 qof ay koronto ku dhacday oo dhaawacyo culus ay soo gaadheen, 15 qof ayaa isbitaalka ku dhintay, inta kalena waa ay liitaan,” ayuu yidhi Mr Dhoobal.

Dhimashada koronto ayaa inta badan laga soo sheegaa Hindiya halkaas oo xadhkaha iyo kaabayaasha liita ay inta badan keenaan shilal halis ah.

Leave a Reply