Somaliland iyo Taywan oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Horumarinta Dhalinyarada JSL

0
192

Hargeysa (Dawan) Agaasimaha Sanduuqa dhallinyarada Somaliland Khadar Ibraahim Maxamed, iyo madaxa hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Taywan, oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa, ayaa ka wada hadlay sidii loo taabo-gelinlaha iskaashiga dhallinyarada JSL.

Sidoo kale muddadii kulanku socday waxa ay kaga wada hadleen horumarinta koboca dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka dalka JSL.

Khadar Ibraahim Maxamed agaasimaha Sanduuqa dhallinyarada Somaliland, ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadilahaa iskaashiga dhallinyarada, shaqo abuurkooda, tabbabaradooda iyo aqoon isweydaarsiga hay’adda iyo sanduuqa.

Gaba-gabadii waxa uu u mahadnaqay hay’adda horumarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee waddanka Taywan, waxaanu ku boggaadiyay hormarka iyo taageerada mashaariicda kala duwan ee ay dalka ka wadaan.

Leave a Reply