Wasiirka Beeraha JSL oo Kaalmo ka Timid Turkiga u Qaybiyay 100 ka Mida Beeraleyda Sallaxley

0
326

Sallaxley (Dawan) Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ee dalka Turkiga Kaalmo loogu talagay inay ka faa’ideystaan beeraleyda JSL, u soo marisay wakaalada iskaashiga iyo xidhiidhka Turkiga ee Tika, kaalmadaasi oo isugu jirtay Abuurka, Dawada iyo Bacriminta.

Munaasibadii Kaalmadan lagu qaybinayay waxaka soo qayb galay Wasiirka horumarinta beeraha JSL Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo masuuliyiin ka socotay dawladda Turkiga, waxaana kaalmadan ka faa’idaystan 100 qoys.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Cabdilqaadir Iimaan Warsame, ayaa hay’adda caawimooyinka Turkiga ee Tika uga mahadnaqay kaalmada ay gaadhsiisay qaar ka mida beeraleyda degmada Sallaxley.

Wasiirku ayaa xusay in Kaalmada beeraleyda la siiyay ay tahay bar bilow fiican, waxaanu tilmaamay in marka beeraleydu wax qabsato wax loogu darayo, sidoo kale waxa uu ku adkeeyay beeraleydu inay dhulka beertaan, waxaanu xusay in siidhka la siiyay lagula xisaabtami doono, laguna tababari doono.

Gaba’gabadii beeraleydii loo qaybiyay abuurkan ayaa wasaaradda beeraha iyo hay’adda Tika uga mahadceliyay, waxaanay balanqaadeen inay si fiican uga faa’idaysan doonaan.

 

Leave a Reply