Guddoomiyaha Hilaac oo Baaq u Jeediyey Guddoomiye Faratoon iyo Golahiisa

0
310

Hargeysa(Dawan) Urur-siyaasaddeedka Hilaac, ayaa ugu baaqay Shirguddoonka golaha Wakiillada iyo xildhibaannada golahaasi inay dardar-geliyaan qaybo-tirka shuruucda doorashada Ururrada, iyagoo tixgelinaya dalabkii uga yimi guddida Doorashooyinka Qaranka todobaadkii la soo dhaafay.

Guddida Doorashooyinka ayaa u cayimay qabsoomida Doorashada asxaabta qaranka 28-k bisha December ee sanadkan, waxaanay goleyaasha xeer-dejinta ka codsadeen in mudadda ka dhiman taarikhdaasi soo dhamaystiraan wixii ka qabyo ah xeerka lagu qabanayo Doorashadaas.

Guddoomiyaha Ururka Hilaac Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa Arbacadii shalay ayaa marka hore hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee golahaasi doortay Axaddii todobaadkan Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, waxaanu kula taliyey “guddoomiye Yaasiin waxaan kula talinaynaa inuu golaha ku hogaamiyo Karti iyo Karaamo” ayuu yidhi Prof. Samatar.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa guddoomiyaha cusub ee golaha iyo xildhibaannada ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha u dhaqaajiyaan dhamaystirka sharciga lagu gelayo Doorashada Asxaabta Qaranka.

“Guddoomiyaha cusub ee Wakiillada Yaasiin, waxaan leenahay waxa lagaa rabaa in aad dhaqaajiso Xeerarkii iyo farsamooyinkii lagu qabanayey doorashooyinkaa soo socda ee Ururrada ee lagu soo saarayey Xisbiyada qaranka. Adiga iyo Xildhibaanada kula shaqeeya waxa laga rabaa in aad si deg deg ah u dhamaystirtaan xeerarkaasi. Arrinta ugu horaysaana waxa weeye sidii ay soo saareen guddida Doorashooyinku in aad si deg deg ah sharciyadaa u soo saartaan si hawlaha Doorashooyinku innoogu dhaqaaqaan” ayuu mar kale yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar guddoomiyaha ururka Hilaac.

In doorashada Ururrada la qabto wakhtiga komishanku u qorsheeyey, ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey ururrada iyo asxaabta Qaranka iyo daneeyayaasha kale ee Doorashooyinka Dalka.

 

Leave a Reply