Wasiirka Qorshaynta oo Qalab Casriya ku Wareejiyay Hay’adda Wadooyinka JSL

0
238

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ahmed Adan buuxane ahna gudoomiyaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa shalay ku wareejiyey qalab casriya oo loogu talo galay dhismaha Wadooyinka Wasiirka Wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta jidadka oo uu weheliyo maareeyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka.

Qalabkan ayaa waxay ka koobnaayeen gaadhi wayn oo ah nooca daamurka iyo jayga halmar wada dhigaya, Qalabka calaamadayna Wadooyinka iyo qalabka lagu qaado tijaabada dhismaha wadooyinka.

Xafladda lagula kala wareegayay Qalabkan oo lagu qabtay xarunta Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (RDA) waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Dr. Axmed Aadan Buuxane, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawliid Nuux Ibraahim iyo saraakiil ka soccotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF oo ay ka mid ahaayeen Mr Anthony iyo Najax Maxamuud Aadan.

Qalabkan oo ay baahi wayn u qabeen wasaaradda gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo wakaallada wadooyinka ayaa wax wayn ka tari doona dhismaha jidadka dhaareer ee isu ku xidha magaalooyinka.

Ugu horrayn waxa xafladdan la kala wareegidda qalabka ka hadlay Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland Engineer Mawliid Nuux Ibraahim.

Waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu la wareegayna gaadhigaas iyo qalabkaasi, kaas oo aanu kala wareegeyno Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ee (SDF).

Waxa aanu dalbanay in horumarin naloo sameeyo, 4 dowladdood oo ka mida kuwa Yurub, gaar ahaan Ingiriiska, Holand, Dhenmark iyo Norwey oo isu tagey ayaa innagu taageeray lacag ka badan boqolaal milyen, lacagtaasi oo maanta waxqabadkeedii muuqdo, waxa ay qabteena aan la soo koobi karin, waxa ILLAAHEY mahadiya in ay noo keenaan qalab jidadka ah oo aanu dalbanay, oo ay noo keenaan gaadhiga aadka u weyn.

Gaadhigani waa kii dib u habaynta laamiyada googo’a inoo habaynayay, iyada oo jidadkii hore ee la dhisay iyo kuwa danbaba uu dhaawac gaadhayo, isla markaasna dib loogu soo celino laamidu sida uu ahaa in badan, sidaasi darted aadbaanu ugu mahadnaqayna mashruuca SDF”

Sidoo kale waxa isna muhiimadda qalabkan iyo waxtarka uu waddooyinka dalkeena u yeelan doono ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta qaranka Mudane Dr. Axmed Aadan Buuxane.

Intaa kadib waxa hadalka qaatay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo ku dheeraaday waxtartanka qalabkani u yeelan doono wakaaladda Horumarinta waddooyinka isaga oo u mahad naqay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF iyo dawladaha innaga taageera.

Ugu dambayn waxa madasha ka hadlay Mr Anthony oo faahfaahiyey noocyada qalabkan, isaga oo Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka iyo waliba Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka si rasmi ah qalabkaasi ugu wareejiyey

 

 

Leave a Reply