Hogaamiyaha kooxda Wagner oo mar kale ka soo muuqday fagaare aan laga fileyn

0
133

Hogaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin ayaa ka soo muuqday magaalada St Petersburg intii uu socday shirkii Afrika iyo Ruushka ee todobaadkan.

Waxaa la arkayay isagoo gacan qaadaya danjire Freddy Mapouka, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR).

Sawirka waxaa Facebook-ga soo dhigay Dmitri Syty, kaas oo la sheegay in uu maamulo hawlaha Wagner ee ka socda dalka Jamhuuriyadda afrikada dhexe.

Waa markii ugu horreysay oo la xaqiijiyo in Prigozhin lagu arko Ruushka tan iyo markii Wagner ay ku guul darreysteen kacdoonki ka dhanka ahaan Putin bishii June.

Kulanka Prigozhin iyo Mr Mapouka ayaa ka dhacay hotelka Trezzini Palace ee St Petersburg, sida ay BBC xaqiijisay.

BBC ayaa xaqiijintan u isticmaashay software aqoonsiga wajiyada markaasi oo is barbar dhig ay ku sameysay sawirrada la yaqaan ee sarkaalkan Jamhuuriyadda Afrikada dhexe iyo sawirka uu ku jiro Prigozhin, waxaana la xaqiijiyay in 99% in labada

 

 

24-kii bishii June ayay ahayd markii xoogagga wagner ay si lama filaan ah ugu dhaqaaqeen fal dad badan ka yaabiyay oo ahaa in ay isku dayeen in ay xilka ka tuuraan Putin.

Waxay si fudud u qabsadeen magaalada muhiimka ah ee Rostov-on-Don oo ku taalla bartamaha gudaha Ruushka.

Isku daygaasi ka dib ayaa waxaa khudbad jeediyay Vladimir Putin oo ka hadlay telefishinka dalkaasi halkaas oo uu ku eedeeyay hogaamiyaha Wagner Yevgeny Prigozhin “in uu dhabarka ka toogtay” iyo in uu sameeyay khiyaano qaran.

Markii saacado badan ay xaaladda qasneyd ayaa waxaa markii dambe lagu guuleystay in la joojiyo howlgalkii kooxda Wegner.

Wadahadalo uu gar-wadeen ka ahaa madaxwaynaha Berlarusia Alexander Lukashenko, ayaa waxaa uu sheegay in Yevgeny Prigozhin uu aqbalay in ciidamadiisa ay dib uga soo laabtaan duullaanka ay ku yihiin magaalada Moscow.

Wax faahfaahin ah lagama bixin waxyaabaha si dhabta ah looga wadahadlay kulankaasi labada masuul dhexmaray.

 

 

 

Leave a Reply