Qalliin lagu sameeyey ilmo yar oo uu sanka ka galay Beytari

0
151

Muddo laba sano ah, wiil lagu magacaabo Rajesh ayaa waxaa sanka uga jiray 3 baytari oo ah nooca ay carruurtu ku ciyaarto.

Rajesh ayaa la sheegay in ay xitaa ku adkeyd in uu caruurta qeyrkiisa ah la ciyaaro maadaama ay baytariyahan sanka uga jireen.

Balse hadda batariyada sanka uga jiray ayaa laga saaray, waxa uu la ciyaari karaa asxaabtiisa kale. Dhakhaatiirta dowladda ee Kallakuri ayaa qalliin ku sameeyay, waxayna ka saareen baytariyadan.

Viswanathan iyo Surya, oo ah lamaane ka soo jeeda tuulada Kachimailur ee degmada Cuddalore ee Tamil Nadu, waxaa u jooga wiil lagu magacaabo Rajesh oo wax uu xilligaas ahaa fasalka labaad.

Rajesh hooyadii waxay u sheegtay in ay ahaayeen dadka iska xamaasha oo la daala dhaca noolasha Surya. “Wiilkaygu wuxuu la daalaa dhacayay dhibaatadan muddo saddex sano ah, dhibaatadiisan ugu dambeyntii way dhammaatay”.

Hooyada dhashay Rajesh Surya ayaa tiri, “Wiilkeyga mar walba wuxuu la ciyaaraa caruur da’diisa ah, labadii sano ee la soo dhaafay, wuxuu ka cabanayay dhiig ka imaada sanka, sidaas darteed waxaan u qaadnay dhakhtar nagu dhowaa, waxay-na u qoreen dawo ah kuwa sanka lagu dhibciyo iyo kaniiniga.

Rajesh ayaa hooyadii u sheegay laba sano ka hor in uu sanka ku dhuftay meel darbi ah oo uu dhaawac soo gaaray, balse hooyadii wax dan ah kama galin.

Balse dhibaatadii haysatay ma noqon mid istaagta gaar ahaan waxaa uu xanuun dareemayay xilliyada roobka uu da’ayo oo ay neefta ku dhagi jirtay.

“Suurtagal ma ahayn in isbitaal weyn la aado dhaqaala la’aan darteed, sidaas awgeed waan iska indhatirey aniga oo is leh xanuunka wuu ka fiicnaan doonaa dhowr maalmood ka dib.”

 

Leave a Reply