Xildhibaano Isu-xilqaamay Adkeynta Nabadgelyada kana Hadlay Dablay Buurta Gacan-libaax Gashay

0
197

Hargaysa (Dawan) Xildhibaano ka tirsan golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay dhallinyaro hubaysan oo buurta Gacan Libaax galay, waxaanay ku baaqeen in nabad lagu xaliyo arrimaha keenay tabashada xadkaasi gaadhay.

 

Mudanayaasha oo ka koobaan afar mudane ayaa sheegay in ay iskood isu xilqaameen oo aanay jirin cid ka danbayaa fikirkooda, balse iyagu ay garteen in masuuliyadaasi ay saaran tahay.

 

Xildhibaanada ayaa waxa ay ugu baaqeen raga buurta Gacan Libaax galay inay ka soo degaan buurta oo ay wada-hadal ku sheegaan wax kasta oo ay tabanayaan, waxa kale oo ay sheegeen mudanayaashaasi inay tagi doonaan buurta Gacan Libaax si ay ula soo xaajoodaan raga ku jira buurtaasi.

 

Xildhibaanada ayaa waxa ay xukuumadda ugu baaqeen inay xalinta arrinta Gacan Libaax u marto mid nabadeed oo aan ciidan loo adeegsan, waxaanay ku booriyeen in wada-hadal lagu dhameeyo wixii tabasho ah.

 

Mudanayaasha ayaa sheegay inay albaab kasta u garaacayaan sidii loo xalin lahaan arrinta Gacan Libaax, cid kastana ay kala hadli doonaan, haddii ay noqoto xukuumadda, Xisbiyada iyo qaybaha kale ee bulshadaba.

 

Ugu dambayn Mudanayaasha ayaa ku baaqay in aanay xabadu qoriga ka bixin, waxaanay ku dheeraadeen xumaanta laga dhaxlo dagaalka iyo sida uu qaranka iyo bulshadaba u saameeyo, waxaanay ku taliyeen in xal wada-hadal lagu soo gunaanado xaalkadda Gacan Libaax.

 

 

Leave a Reply