Daqiiqad Kasta Iyo Isbedelka Dunida!

0
257

Daraasado kala duwan ayaa cadeeyay in sanadkii dad gaadhaya 22 kun qof ay is dilaan oo iskood nafta iskaga jaraan, waxaana la sheegay inay taasi sabab u tahay daymaha lagu leeyahay oo aanay iska bixin karin, taasi oo dulsaarka rabida ahi uu xadkii bixinta ka saaray..

Caalamkan Daqiiqada kasta wax ku dhasha 216  caruur ah, waxaana dhinta 101 qof , maaha arrin lama awaalayo, laakiin waa tiro koob sax ah oo lagu sameeyay dhalashada iyo dhimishada dadka dunida ka dhacda celcelis ahaan ilbidhiqsi kasta.

Sanadkii 1999 ayuu asaasaha shirkadda Google soo bandhigay inuu ku iibanayo lacag dhan hal milyan oo doller  oo keliya, laakiin wakahtigaasi inkasta oo aad u xayaysiiyay meel kastana ku soo bandhigay inay iib u jog tahay haddana nasiib daro lagama iibsan. Waxase yaab noqotay in sanadkii 2016,  shirkadda Google qiimaheedu waxa uu gaadhay lacag dhan 250 Malyuun doller.

Waxa kale oo la ogaaday in Masasku ay aad u neceb yihiin Batroolka, waxaana cadaatay in deegaanada Batroolka laga helo aanay usoo dhowaan Masasku.

Leave a Reply