Wakhtiga Adag Sabir Ayaa Loo Baahan Yahay!

0
106

Maalqabeenka Mark Cuban wuxuu ka soo jeeda qoys xoogsato ah oo degenaa  Pittsburgh ee Maraykanka. Wakhtigii uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Indiana 1981 ee dalka Maraykanka, wuxuu shaqo ka helay shirkad iibisa barnaamjiyada computerka, inkasta oo markii danbe laga eryay.

Cuban oo markii shaqada laga eryay uga waramay  xarunta warbaahinta ee Arianna Global Podcast,  ayaa yidhi “ Anigu marna ma iloobi doon maamulihii shaqada iga eryay, wayo waxaan ka bartay inuu jiro maamule dib u socod ah, xaqiiq wuxu ahaa hage ama tilmaame dib u socod ah”mentor reverse”.

Waxa lagu eryay ka dib markii uu maalin keliya furi waayay dukaanka isagoo ku mashquulsanaa macmiil muhiim ah. Inkasta oo Mark Cuban ka codsaday in aanu shaqada ka eryin, haddana maamulaha Michel waxba kama aqblin sidaasi ayuu shaqadii kaga tegay.

Isla markaasi ayuu Cuban bilaabay  fikirka abuuridad shaqo isaga u gaar ah oo ahayd dukaanka Microslution, muddo yar ka dibna waa uu xoogsatay ganacsigiisa. Hadda waa uu ka mid yahay maalqabeenada dalkaasi isagoo hantidiisa lagu qiyaasay  $ 2.4 Billion doller,  Waxaana uu ku jiraa kaalinta 169. Waana mulkiilaha Ururka Kubadda Koleyga Qaranka (NBA) Dallas Mavericks, iyo gudoomiyaha AXS TV. Wuxuu sidoo kale ka mid yahay maalgashadayaasha “shark” maalgashiga taxanaha telefishinka ABC. Sawirku waa labada wakhti maalintii shaqada laga eryay iyo markii uu hantida yeeshay.

Leave a Reply