Adkaysiga Khataraha Iyo Hadafka !

0
322

Noloshu waxa ay qiimo ku leedahay markaad u dhabar adaygto dhibaatooyinka ku soo waajaha , hadaad noqoto qof niyad jab dhow oo guuldarada aan liqi karin ma gaadhaysid yoolka.

Inta aad ku jirto jidka ku gaadhsiinaya ujeedkaaga, waxa ka hor imanaya caqabado kala duwan oo ah kuwo adag iyo kuwo fududba.

Adkaysigaasi ayaa ah gaadhida guusha, marka waxa fiican in aanad niyad jabin, murugoon oo aanad sii jiifin halkii aad ku dhacday laakiin waa in aad ogaato in kufidda laga kaco. Guushu maaha halkii ugu danbaysay, fashilkuna marka uu kugu dhaco maaha dhimisho laakiin waa dhiirgelinta inaad sii wado oo dadaalka joogtayso.

Runtii guusha waxa ku xeeran haliso badan , suurgalna maaha in aad guulayso adigoon aan u adkaysan oo aan sabir kaga gudbin khataraha wadada guusha

Leave a Reply