Madaxweynaha Somaliland oo Bulshada ugu Bushaareeyay in ay Wer Wer la’aadaan Dalkuna Ammaan yahay

0
178

 

“Xagga Mucaaridka in aanay Belaayo ka jirin waxaa inoo sheegaya Kaftanka Jirde.”

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa bulshada Somaliland ka gooyay wer wer iyo cabsi maalmihii u dambeeyay ay ka qabeen nabad gelyada dalka isla markaana waxaa uu ugu bushaareeyay in ay nabad gelyo ku naaloodaan oo ay shakiga shaydaanku ku soo dhex tuuray dhegaha ka furaystaan.

Waxaanu intaa raaciyay in dhanka mucaaridka wax belaayo ah oo ka jirtaa in aanay jirin balse arrinta bulshada baqaha gelisay ay tahay camal shaydaan baraha bulshada qaaradaha adduunka shar wadeyaal ay ka soo tuurayaan.

Taasoo uu bulshada ku boorriyay in aanay dheg u dhigin oo ay ka fogaadaan shaydaanul insiga iyo warxumo tashiilka hadalka belo alooska ah baraha bulshada soo marinaya.

 

Dhiaca kale waxaa uu caddeeyay in mucaaridka aan la cabudhinayn hadalka aan loo diidayn waxa keliya ee jiraana ay tahay tartan doorasho.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Guud ahaan dadku baraha bulshada aad ayay u wer weraan nabad gelyo xumo ayaa laga wer weraa,waxbaa dhici baa la yidhaahdaa laakiin wacaan idiinku bushaaraynayaa Cabdiqaadi Jirde oo oday weyn ah oo odayaasha Mucaaridka kugu ugu aqoonta badan ee ugu degen ahi kaftankaa uu muujiyay waxay inoo sheegayaan in aan xaga mucaaridka belaayo ka jirin wax walibana dood ku dhammaanayaan.”

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse iixi Cabdi oo ka qayb galay Munaasinad qasriga Madaxtooyada  lagu qabtay oo lagu soo bandhigayay Buug laga Qoray taariikhda Madaxweynihii afraad ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,ayaa intaa raaciyay. “anigu waxaan aaminsanahay in aanay wax dhibaato ahi dhacayn oon ka badnayn xafiiltan siyaasadeed oo marka doorasho la gelayo iska leh Muddaharaad buuq buuq yar,laakiin baraha bulshada iyo idaacaduhu u dhigayaan in bulsho ama deegaan dhan uu dagaalamo oo uu waxaa u soo jeedo,balse anaa idiinka ballan qaadaya waxaasi ma jiraan deegaan Somaliland oo duulaan ku jiraa ma jiro. Xisbiyada mucaaridkana daaya ha yara cartamaan e ”

Waxaanu Madaxweynuhu bulshada u bayaamiyay in qaska waxa wadaa uu yahay tiknoolajiyadda Casriga ah iyo baraha bulshada ee shanta qaaradadood meel ba wax lagaga soo tuurayo.

 

Leave a Reply