Afgaanistaan: Daalibaan oo gubtay qalab muusig oo anshax-xumo ah

0
114

Daalibaan ayaa ku gubtay qalab muusig gudaha Afgaanistaan, iyaga oo ku andacoonaya in muusiggu uu anshax xumo u keenayo bulshada.

Qalab muusig oo ku qiimausan kumanaan kun oo doolar ayaa qiiq ka kacay ka dib markii dab la qabadsiiyey Sabtidii galbeedka gobolka Herat.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 2021, Taliban waxay soo rogtay xannibaado badan, oo ay ku jiraan ku ciyaarista muusigga meel fagaare ah.

Ahmad Sarmast, aasaasaha Machadka Qaranka ee Muusiga ee Afgaanistaan, ayaa ficilada Taliban ku tilmaamay “xasuuq dhaqameed iyo mid muusig”.

“Dadka Afgaanistaan ​​waxaa loo diiday xorriyad faneed… Gubitaanka agabka muusiga ee Herat waa tusaale yar oo ka mid ah xasuuqa dhaqameed ee ka socda Afgaanistaan ​​ee ay hoggaanka u hayaan Taliban,” Dr Sarmast ayaa u sheegay warbaahinta.

Qaar ka mid ah walxaha lagu gubay Herat waxaa ka mid ah gitaar, kuwa la afuufo,  durbaano ah – iyo sidoo kale cod-baahiyeyaal, sida laga soo xigtay sawirrada internetka. Qaar badan oo ka mid ah kuwan ayaa laga soo qabtay goobaha aroosyada ee magaalada.

Dhammaan noocyada muusiga ee isu imaatinnada bulshada, TV-ga, iyo raadiyaha ayaa la mamnuucat intii ay Taalibaan ka talinayeen Afgaanistaan ​​badhtamihii 90-meeyadii ilaa 2001-dii.

Laakiin muuqaalka muusiga wuxuu kordhay labaatankii sano ee ka danbeeyey ee ay ciidamada Maraykanku joogeen, laakiin soo noqoshada Taliban ee Agoosto 2021 ayaa ku kaliftay fannaaniin badan inay dalka ka cararaan.

 

Leave a Reply