Talyaaniga oo ka baxaya barnaamijka hindisha Shiinaha ee BRI

0
180

Talyaanigu wuxuu qaatay go’aan deg-deg ah oo aan laga baaraan degin markii ay ku biirtay Hindisaha shiinaha ee loo yaaqaano Belt and Road Initiative (BRI) afar sano ka hor, wuxuuna uu sheegay in heshiisku wax yar ka qabatay kor u qaadista dhoofinta, Wasiirka Difaaca Talyaaniga Guido Crosetto ayaa sidaa ku sheegay wareysi la daabacay Axaddii.

Dawladii hore eeTalyaanigu ayaa saxeexday BRI, iyaga oo noqday waddanka keliya ee ugu weyn ee reer galbeedka ah ee qaaday tallaabadan. Crosetto waxa uu ka mid yahay  xubnaha maamulka hadda ee ka fikiraya sidii looga bixi lahaa heshiiska.

Qorshaha BRI waxa uu ahaa  dhismaha kaabayaal isku xidha Shiinaha Aasiya iyo Yurub iyo wixii ka sii baxsan. Dadka dhaleeceeya waxay u arkaan inay tahay qalab Shiinaha uu ku faafiyo saameyntiisa juqraafiga iyo dhaqaalaha.

“Go’aanka ah ku biirista BRI waxa uu ahaa fal u dhacay si deg deg ah oo laga baaraan deign, kaas oo badiyay badeecadaha Shiinaha u soo dhoofiyo Talyaaniga, laakiin aan saameyn la mid ah kuma yeelan waxay Talyaanigu u dhoofinayaan Shiinaha, Crosetto ayaa sidaa u sheegay wargeyska Corriere della Sera .

“Arrinta maanta taal waa sida looga soo laaban karo (BRI) iyada oo aan waxyeello loo geysan xidhiidhka Bijing. Sababta oo ah Shiinuhu waa dal tartan ugu jira badeecadiisa, sidoo kale waa saaxiib,” ayuu yidhi wasiirka gaashaandhigga.

Kadib kulan ay Aqalka Cad Khamiistii kula yeelatay Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa sheegtay in dowladeeda ay wali ka tashanayso BRI waxayna ku dhawaaqday safar ay ku tagi doonto magaalada Beijing dhawaan.

“Waxaan qaadan doonnaa go’aan ka hor December,” Meloni ayaa u sheegay telefishinka Fox News ee Maraykanka wareysi uu Axaddii sii daayay, isaga oo intaas ku daray in arrintan ay u baahan tahay in lagala hadlo dowladda Shiinaha iyo gudaha baarlamaanka Talyaaniga.

Leave a Reply