Itoobiya oo Qorshaynaysa Samaynta Khad Tareen isku xidha Berbera iyo Diridhaba

0
195

Addis-ababa(Dawan):-Xukuumada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday qorshaheeda ah inay dhisto khad tareen oo isku xidha magaalooyinka Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo magaalada Diridhaba ee Itoobiya.

Sida lagu sheegay qorshaha soddonka Sannadood ee Gaadiidka Itoobiya 2022 – 2052 ayey muhiimada koobaad siisay dhisitaanka waddo tareen isku xidha Somaliland iyo Itoobiya.

Dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyey in qorshaheeda gaadiidka sannadka 2035 muhiimada koobaad u tahay samaynta wadadda tareenka magaalooyinka Diridhaba illaa Berbera ee Somaliland.

Mashruucan oo lagu qiyaasay inay ku bixi doonto dhaqaale gaadhaya 1,305,000 $ (hal milyan, saddex boqol iyo shan kun dollar) ayaa loo isticmaali doonaa xamuul badeecadeed gaadhaya 1.234.751 oo Tan sannadkii.

Qorshahan oo weli dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland aanay wax war ah ka soo saarin ayaa hirgelintiisu wax weyn ku soo kordhin doontaa xidhiidhka ganacsi ee labada wadan iyo kor-u-kaca dhaqaalaha labada shacab.

 

Leave a Reply