Wefdi Somaliland ah oo kulamo ku yeeshay Dalka Taiwan

0
193

Taipei-(Dawan):- Wafti ka socda Jamhuuriyadda  Somaliland oo ku sugan dalka dalka Taiwan ayaa la kulmay hay’adaha mideeya Ganacsatada dalka Taiwan ee wax dhoofiya iyo kuwa dalka Taiwan usoo dajiya badeecadaha.

Waftigu waxa uu kala hadlay in dalka Somaliland ay ganacsatada reer Taiwan ay ka soo dhoofsan karaan Xoolaha, Kaluunka, Xabkaha iyo faleenka iyo macdanaha kala duwan halka ay siddoo kale ay Somaliland diyaar u tahay imkaaniyaad ahaan in badeecadaha dalka Taiwan ay u gudbiyahaan dalalka Afrika (Marinka Afrika) oo ah suuq baaxad weyn iyo siddoo kale in la isku xidho ganacsatada labada dal.

Shalay ayay labada dawladood wada saxeexdeen heshiis Ganacsi oo suuro galin doona in uu kobco ganacsiga iyo dhaqaalaha labada dal.

 

 

Leave a Reply